Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay

focus

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Muddo Qaatay Kadib Dalka Ku Soo Laabtay

(SLT-Hargaysa)Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtey kana soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey safaro ugu  maqnaa Waddamada  Yurub gaar ahaan dalalka Ingiriiska  Faransiiska iyo Finland.  .

Garoonka  Diyaaradaha ee Hargeysa waxa galabta  ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xil Cabdiqaadir Xaji Ismaciil Jirde iyo Xoghaye  ku xigeenka xisbigaasi Jamaal Jaamac Xaamud . Soo laabashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa ku soo beegmaysa xilli uu safar Ugu baxay Gobolada Bari Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top