Connect with us

somalilandtoday.com

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Safarkiisi Ugu Horreeyay Debadda Uga Dhoofa Dalkiisa Dilkii Wariye Jamal Khashooggi Kadib

focus

Dhaxal Sugaha Sacuudiga Oo Safarkiisi Ugu Horreeyay Debadda Uga Dhoofa Dalkiisa Dilkii Wariye Jamal Khashooggi Kadib

(SLT-Abudhabi)Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohamed Bin Salman ayaa xalay socdaalkiisii ugu horeeyey dibeda ku aaday tan iyo markii 2-dii bishii Oktoobar la dilay suxufigii Jamal khashoqgi kaasoo ka dhacay gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Mohamed Bin Salman ayaa safar ku maraya dhowr dal oo carbeed isagoo lugtii koowaad ee socdaalkiisa ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.

Mohamed Bin Salman oo si weyn loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii saxafigii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi ayaa waxaa saarnaa cadaadis aad u weyn oo siyaasadeed, iyadoo sumcada uu ku lahaa caalamka ay hoos u dhacday, balse safarkan ayaa loo arkaa mid uu ku muujinayo inuu weli si buuxda gacanta ugu hayo maamulka Sacuudiga awood balaarana leeyahay.

Waxaa garoonka Abu Dhabi ku soo dhoweeyay dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Zayid, waxaana lagu wadaa inuu tago dalal kale oo carbeed oo sacuudiga saaxiib dhow la ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top