Connect with us

somalilandtoday.com

Beesha Caalamka Oo Ku Dirqiday Somaliland Iyo Puntland Inay Ku Heshiiyaan Afar Qobob Iyo Labada Dhinac Oo Ogolaaday.

focus

Beesha Caalamka Oo Ku Dirqiday Somaliland Iyo Puntland Inay Ku Heshiiyaan Afar Qobob Iyo Labada Dhinac Oo Ogolaaday.

(SLT-Garoowe) Wararka aan ka heleyno Garoowe  ayaa sheegaya in maamulada Puntland iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay aqbaleen afar qodob oo Beesha  Caalamku  ay usoo jeediyeen.

Afarta Qodob ayaa u muuqdo kuwo wadamada IGAD, Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay doonayaan in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee Tukaraq iyo murunada gobolka Sool.

Qodoba Afarta qodob  ee ay isla qaateen labada dhinac  ayaa kala ah:-

In xabadda la joojiyo, lana qaato nabadda oo lasameeyo aagag ka caaga ciidamada labada dhinac.

In la ogolaado in gargaarka aadanuhu uu gaaro dadka ku barakacay dagaaladan ee gobalka Sool.

In maxaabiista dagaalka la sii daayo si loo abuuro jawi wada hadal Taliyaasha ciidamadda.

In lasii wado dadaalada la xariira nabadda, gaar ahaana kulamada dhaqanka iyo dhalinyaradda si colaaddan xal rasmi ah looga gaaro.

Laakiin Wararka dadka deegaanka ay warbaahinta la wadaageen ayaa ah in dhinaca Somaliland iyo Puntland ay ka hor yimaadeen in Afti laga qaado dadka deegaanka maadaama labada dhinac ay aamisan yihiin inay gobolka leeyihiin.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diidamada ugu badan ay ka timid dhanka Somaliland, waxaana arintaasi ay kordhin kartaa xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ee ka taagan gobolka Sool.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top