Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Oo Si Weyn Ammaanay Faysal Cali Waraabe, Sheegay-na In Uu Abaal-Marin Qaali Ah Guddoonsiin Doono

focus

Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Oo Si Weyn Ammaanay Faysal Cali Waraabe, Sheegay-na In Uu Abaal-Marin Qaali Ah Guddoonsiin Doono

(SLT-Hargaysa)Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa talo u jeediyey siyaasiyinta somaliland.

Suldaan Xasan oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa si gaar ah u amaanay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, kaas oo uu shaaciyey inuu abaal marin gudoonsiin doono.

Suldaan Xasan ayaa ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Faysal Cali Waraabe dadka waan ka jeclahay, jaa’isadna waan siinayaa, waa ninka qudha ee hadalkiisu damqo oo uu ku dhaco meel aan ogahay oo koonfur ah oo somaaliya ah, oo ay jidhka is galiyaan marka uu hadlayo.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray siyaasiyiinta somaliland waxaanu yidhi “Siyaasiyiinta somaliland waxaan leeyahay waddadaas Faysal mara oo gantaalkiinu meel fog ha gaadho oo Local-nimadii halaga saaro.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top