Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Farmaajo Oo Dawladda Talyaniga Waydiistay Inay Ku Cawiyaan Wershado.

focus

Madaxweynaha Dalkaasi Soomaliya Farmaajo Oo Dawladda Talyaniga Waydiistay Inay Ku Cawiyaan Wershado.

(SLT-Roma)Madaxweynaha Dalkaasi  Soomaaliya  Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Talyaaniga ayaa wada hadallo kula yeeshay Qasriga Quirinale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sidii loo dardargalin lahaa iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal kaasoo ku dhisan wax wada qabsi iyo kala faa’ideysi, isagoo uga mahad celiyay Dowladda Talyaaniga soo dhaweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyed ee dalkaasi ku nool.

Waxayna labada dhinac sida la Sheegay ay   isla garteen  muhiimadda ay leedahay in laga wada faa’ideysto fursadaha waaweyn ee horyaala labada dal ee dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Talyaaniga sidii ay uga caawin lahayd Soomaaliya tababarro dhanka farsamada ah iyo in ay dalka ka hirgalinayaan warshaddaha yar yar, si looga kaaftoomo adeegyada ay dalalka fog u tagaan ganacsatada Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad ganacsiga aad u yaqaan oo karti u leh inay wax soo saar ku dhex sameyaan xaalado adag. Waxaan ku kalsoonahay in wadashaqayn iyo iskaashi aan la yeelano dalalka aan bahwadaagta iyo saxiibada nahay ay noo horseedi doonto horumar fa’iido u leh dadkeenna.”ayuu yirdhi Madaxweyne Farmaajo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top