Connect with us

somalilandtoday.com

Haddii Madaxweyne Biixi Nimankii Habarmagaado Si Wacan Oo Lama Filaan Ah Usoo Dhaweeyeen Miyaaney Khalad Aheyn In Bariga Burco Ka Xanaaqaan

Articles

Haddii Madaxweyne Biixi Nimankii Habarmagaado Si Wacan Oo Lama Filaan Ah Usoo Dhaweeyeen Miyaaney Khalad Aheyn In Bariga Burco Ka Xanaaqaan

Waxeynu Wada ogeyn dhaliisha Madaxweyne Biixi iyo Dhaliisha Dul Taagneyd Mudo Sanad Maalmo Dhiman oo Xukuumadiisa Jirtey taas oo Tabashooyinka laga tirsanayey, ay hordhac u ahaayeen Sadbursiimadii Jeegaanta iyo Isgaashaan buureysigeeda Waxa Layaab leh in Dareen Badani kasoo Noqdey Socdaalka Gobolada Bariga Somaliland ee Madaxweyne Biixi gaar ahaana Ficilada lama Filaanka ah ee Burco iyo Oodweyne,oo Gobanimo Badani ka Muuqatey.

Haddaba Waxa muuqata Dareemada kasoo noqdey Socdaalkan iyo Ficillka Gobanimada iyo Soo Dhaweynta Diiran ah ee Qolyihii Habarmagaade kusoo Dhaweeyeen, taas oo aaney marnaba jeclaysan sida ka muuqata ama dareen ahaan laga arkayo Beesha Bariga Burco Sababtoo, ah Maadaama ay Xiligan

Ceelweynaha Burco la Sheegtaan Waxa Dareenku Dibada usoo Wada Baxey Kadib Markii Madaxweyne Biixi gaadhey Deegaanka Degmada Oodweyne oo ah Ubucdii Beesha Habaryoonis oo halkaa Sil Diiran oo Gobanimo leh loogu Soo Dhaweeyay in Mar kaliya Jeegaanta bahdeeda Miyigu dareen Kakan iyo Diidmo Laga dareemayo in ay jidhka iska galiyeen Siweyn oo aan Qarsoomeyn jidhka iskaga galiyeen Xaqiiqdii Marka Gees Kasta laga eegana Macnoyaal badan oo Dad badani fahmayaan ayay Yeelaneysaa Gaar ahaana Waxgaradka iyo Dadka la Socda Guud ahaanba Siyaasadaha Somaliland ay u Fahmayaan, haddii Sidaa Qaawan ay Beesha Bariga Burco u dhaqanto Marar badan waxey Talaabbada Noocani Fashilaad ku Noqoneysaa Siyaasadahooda Docgaabka ah ee Khiyaamada Ku Dhisan.

Gabagabadii Wey Muuqataa Socdaalka Madaxweyne Biixi ee Burco iyo Oodweyne Dareenada Kasoo Baxey taas oo aan Loo Baahneyn in Dadka Qaarkii Sii Damcaan in Hawlaha Somaliland ku Koobnaadaan Arimihii kala Fogeynta Shacbiga Somaliland ee Jeegaanta ku Calaamadsanaa Madaxweynaha Laf ahaantiisana Waxaa looga baahan yahey, in uu Tixgaliyo Qodobadii Kasoo Baxey Shirkii Buurta gacanLibaax si Maamulkiisu Isbadel ugu Talaabsado kana Gudbo Xanaftii ka Dhalatey Doorashadii Dalka Kasoo Qabsoontey arinta Komishankana Xal ka Gaadho, Tabashada Jabhada laf ahaanteedana Dhaqdhaqaaqii Maamuladii ka horeeyay Tabashadooda kusoo Afjaro.

Beesha Bariga Burcana Waxaan Kula Talin lahaa in ay iska Daayaan Maseyrka.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top