Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamo Ka Tirsan Jabhadda Uu Hoggaamiyo Kornayle Caarre Oo Xalay Weerar Ku Soo Qaaday Magaalada Ceel-Afwayn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

focus

Ciidamo Ka Tirsan Jabhadda Uu Hoggaamiyo Kornayle Caarre Oo Xalay Weerar Ku Soo Qaaday Magaalada Ceel-Afwayn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

(SLT-Ceel-afweyn)-Ciidamo ka tirsan jabhadda uu hoggaamiye kornayle Mahad Siciid Jaamac Caarre oo wata afar-gaadiidka dagaalka ah, ayaa rasaas culus ku gaaraacay xaafadaha dhinaca Waqooyi ee degmeda Ceel-afwayn oo ku yaalla guriga gobolka oo la sheegay in ay ku suganyihiin xubno wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Sida uu xaqiijiyay weriye kusugan Ceel-afwayn, wasiirrada waxaa kamida wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Boos Mire Maxamed shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo masuuliyiin kale.

Ciidamada millateiga Somaliland, ayaa wararku sheegayaan in ay dhinaca Koonfureed uga Saareen magaalada.

waxaana ciidamadu rasaasta isku waydaarsanayaan dhicana koonfureed ee magaalada sida hadda uu xaqiijiyay weiye ku sugan Ceel-afwayn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top