Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Hinda Oo Ka Warbixisay Wafti Nabadayn Ah Oo Uu Madaxweynuhu U Diray Deegaanka Ceel-Afweyn

focus

Wasiir Hinda Oo Ka Warbixisay Wafti Nabadayn Ah Oo Uu Madaxweynuhu U Diray Deegaanka Ceel-Afweyn

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi ayaa ka warbixisay socdaal nabadayn ah oo ay u joogaan magaalada Ceel-weyn , kaasi oo la xidhiidhi shaqadaadi hore deegaanka ugu dhexmartay labada ardaa ee walaalaha ah,

Wasiir Hinda ayaa sheegtay in ay u jooogaan sidii xal loogu heli lahaa dhacda amaan oo kasoo cusboonaatay deegaanka iyo dhammaystirka qabyada hashiiskii hore ee la dhex dhigay laba beelood , waxaanay sidaasi ku sheegtay Waraysi gaar ah oo ay khadka Telefoonka ku siisay Wargeyska Dawan

Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaaya ujeedka ay ceel-afweyn u joogay ayaa waxa ay tidhi “safarkaygu waxa uu daba socdaa nabadayntii Ceel-afweyn oo ay taagan tahay wakhtigii kala qaadashada diyada iyo sidoo kale ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa ee falka danbe galay soo qabashadiisi , waxaanan ka mid ahay wafti isugu jiro Wasiiro, culimo iyo madax dhaqameed uu madaxweynuhu maalintii khamiistii usoo diray inay ka hawl galaan hawlaha qabyada ah iyo kuwa soo cusboonaday”

Wasiir Hinda ayaa sheegtay in hawshu ay weli socotay balse ay wax qabteen “qabyadii hore waxa soo soka maray colaad cusub iyo dil , iyada oo dadka qaar ay noqdeen wax la dilay iyo qaar ay irdhoobeen oo gacan ku dhiiglaha reerkooda ay noqdeen , marka waxa aanu galnay in aanu isku uruurino oo aanu kuwii gacan ku dhiigluhu ka dhashay la kulano annaga oo ka dalbaynay inay raadiyaan , sharciguna raadkiisa daba socdo , waxa aanu ardaagii uu marxuumka ka baxay ugu tagnay samirsiin iyo in aanu ku adkayno inay nabadgelyada ilaaliyaan , arrintaasina weli way socotaa “

Ugu danbayn waxa ay ka hadashay ujeedka uu daarnaa safar ay ku tagtay degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag , waxana ay tidhi “iyada oo lagu jiro xilli qabowaha ayaa u gudbay gobolka Sanaag magaalada Ceerigaabo si caruurta aan hoyga lahayn ee aan ka masuulka ahayn u gaadhsiiyo dharka dhaxanta celiya , waxan kale oo aan u samaynay dawayn iyo nadiifin xagga timaha ah , kulan qado ahna waan la qaatay “

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top