Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Oodweyne

focus

Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Oo loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Oodweyne

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo-madaxda gobolka Daad-madheedh iyo deegaanno hoos yimaadda, waxana uu madaxweynuhu dhagax dhigay mashaariic waaweyn oo xukuumaddu halkaas ka hirgelisay, isaga oo kuwo dhammaadayna xadhigga ka jaray.

Shacabka ku dhaqan guud ahaanba gobolka Daad-madheedh oo isugu jira, madax-dhaqameed, haween, dhallinyaro, aqoonyahan iyo siyaasiyiin, isla markaana ay hormood u yihiin mamulka gobolka ido degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi goob magaalada ka baxsan, waxana iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan ay u galbiyeen dhinaca buddha magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu kala hadlay bulshada soo dhaweysay.

Ugu horrayn xubno kamid ah madam-dhaqameedka ugu magaca weyn gobolka Daad-madheedh oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Oodweyne ugu mahad-celiyey sida aan kala hadhka lahayn ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, iyaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey booqashada shaqo ee uu gobolkaas ku tegay iyo mashaariicda horumarineed ee uu dhagax dhigay iyo kuwa uu xadhigga ka jarayba.

Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh, mudane Cabdixakiim Nuur Muuse iyo badhasaabka gobolka, mudane Axmed Diiriye Cabdilaahi oo iyaguna madasha lagu soo dhaweynayey madaxweynaha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si isku mid ah ugu mahadnaqay shacabka reer Oodweyne, waxana ay sharraxaad dheeri ah ka bixiyeen mashaariicda midho-dhalka ah ee ay xukuumaddu ka hirgelisay guud haan gobolka Daad-madheedh.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shugri Xaaji ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna ku dheeraatay sida ay xukuumaddu ugu hagarbaxday gobolka Daad-madheedh, waxana ay madaxweynaha ku ammaantay dedaalka uu ugu jiro sidii uu shacabka reer Oodweyne ugala shaqayn lahaa horumarka iyo dedaalka ay ugu jiraan inay noqdaan shacab kasoo dhalaala dedaallada la geliyey iyo taageerada xukuumaddooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheer oo dhinacyo badan leh u jeediyey shacabka reer Oodweyne ee soo dhaweeyey, ayaa ugu horrayn ka mahadceliyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay, waxana uu sharraxay sida ay reer Oodweyne weligoodba caanka ugu ahaayeen soo dhaweynta iyo marti-soorka, isaga oo ku baaqay inaan la isku dhibsanin kala duwanaanshaha afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “ Doorashada laguma colloobo, qof walibana qofkii ay la noqotay inuu dalka horumarinayo ayuu codka ugu riday, in la yidhaahdo qofkaasi xisbi kale ayuu u codeeyey oo col baan la ahay, taasina waa xaaraan oo caqliyan iyo waxa aynnu isku nahayba waa xaaraan, waana ra’yi qalad ah oo dad badani qaatay, Oodweyne-na waa dadkaygii oo weligoodba sidan si ka sharaf badan noo soo dhaweeyeen, waait waxa aynnu isku nahay baa ka weyn maalmi siyaasad ah iyo kaambayn la isku qaado,”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Oodweyne uge bushaareeyey mashaariic waaweyn oo ay xukuumaddu ugu talo gashay, taas oo ah xuquuq ay qaranka ku leeyihiin, isagana madaxweyne ahaan fulintoodu waajib ku tahay, “Oodweyne waa magaalo taariikhi ah, dadka ku noonla ninna harraadka ku eega maayo, anigaan ku eegaynin, ka iga dambeeyaana ku eegi maayo, kii iga horreeyeyna kumuu eegin, mana aha xod-xodasho siyaasadeed iyo i doorta’e waa waajib qaran oo qofka xilka haya saaran, mashaariicda ay sannadkan hay’aduhu bixinayaan ka ugu badani waxa uu ku wajahan yahay Daad-madheedh, laaluushna uma anu siinne waxannu u eegnay halkaas maxaa looga baahan yahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xadhigga ka jaray Buundo weyn oo duleedka Oodweyne ku taalla, isaga oo dhagax-dhigay Riig-biyood cusub oo biyo lagaga baadhi doona duleedka Oodweyne, kuwaas oo kamid ah tallaabooyinka horumarineed iyo dedaallada ay xukuumaddu ugu jirto inay biyo ku filan ugu raadiso dakka iyo duunyada ku dhaqan gobolka Daad-madheedh.

Allaa Mahad leh

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top