Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Germany Oo Joojisay Hubkii Ay Ka Iibin Jirtay Boqortooyada Sacuudiga

focus

Dawladda Germany Oo Joojisay Hubkii Ay Ka Iibin Jirtay Boqortooyada Sacuudiga

(SLT-Berlin)-Dowlada Germany ayaa dhaqan gelisay go’aan adag oo ay uga jawaabeyso dilkii Sacuudiga u geystay Suxufi Jamal Khashoggi oo la dilay 2dii bishii Oktoober.

Xukuumada Jarmalka ayaa sheegtay in gebi ahaan la joojiyey heshiisyadii horey loo saxiixay ee hubka wadankaasi ka iibin jiray Riyadh, isla markaana la hakiyey mashaariicdii kale ee militariga dalkaasi la lahaa Sacuudiga.

Go’aankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo si toos ah u taabanaya xiriirka militari ee ka dhaxeeyey dalalka reer Galbeedka iyo Sacuudiga. Germany ayaa dooneysa in sidoo kale wadamada kale ee Midowga Yurub ee ganacsiga militari laleh Sacuudiga ay qaadaan tilaamo midan lamid ah.

Sacuudiga ayaa hubkiisa ugu badan kasoo gata dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan dalalka ay kamid yihiin; Maraykanka, Canada, UK, France, Germany iyo Spain.

Dowlada Canada ayaa sidoo kale sheegtay inay go’aan ka qaadan doonto heshiisyadii ganacsiga hubka oo ay horey ulla lahayd dalka Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top