Connect with us

somalilandtoday.com

Qunsulkii Itoobiya U Fadhiyay Hargaysa Oo Loo Yeedhay Iyo Wararka Warbaahinta Itoobiya Ka Qortay.

focus

Qunsulkii Itoobiya U Fadhiyay Hargaysa Oo Loo Yeedhay Iyo Wararka Warbaahinta Itoobiya Ka Qortay.

(SLT-Hargaysa)Qaar ka mid ah Warbaahinta Geeska Afrika ayaa Saacaddihii lasoo dhaafay qoraayay in Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Qunsulkii u joogay Somaliland dib ugu yeertay.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in sababta loogu yeeray Qunsulka in ay tahay Isbadelka ka socda Geeska Afrika,islamarkaana Itoobiya ay guud ahaan joojisay xidhiidhka  kala dhaxeeyay Somaliland,taas badalkeena Arrimaha Somaliland ay kala tacaamuli doonto Soomaaliya.

Qunsulka oo lagu Magacaabo Bereha Tesfay ayaa shalay gelinkii dambey gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii uu diyaarad ka raacay Magaalada Hargeysa.

Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha Somaliland shalay ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay in tahay in dowladda Itoobiya ay kala noqotay Somaliland xiriirkii dublomaasiyadeed ka dib markii Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ,Eritrea iyo Itoobiya ay isku raaceen ilaalinta Midnimadda iyo Madaxbaanida Saddexda dal.

Somaliland ayaa 20 kii sano ee lasoo dhaafay xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, waxaana soo maray dhowr Qunsul oo Somaliland si gaar ah ula tacaamuli jiray.

Isbadellada ka socda Geeska Afrika ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u muuqda in uu meesha ka saaray Qulqulkii siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top