Connect with us

somalilandtoday.com

Mujaahid Shiine Oo Farriin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

News

Mujaahid Shiine Oo Farriin U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ka mid ah wax-garadka iyo aqoonayahanka Somaliland ayaa madaxweynaha Somaliland farriimo kala duwan hawada mariyey.

Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), oo ku sugan magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa si diiran u soo dhaweeyey sida madaxwyenaha Somaliland iyo wefdigiisa loogu qaabiley magalaada Berbera, Isla markaana ammaaney sida uu madaxweynuhu u qaabiley guud ahaan haldoorka iyo odoyaasha gobolka saaxil.”Waxaan madaxweynaha ku ammaanayaa sidii loogu soo dhaweeyey gobolka Saaxil, waxaanan ku ammaanayaa madaxweyne Muuse Biixi sida uu u qaabiley guud ahaan odoyaasha gobolka Saaxil”Ayuu yidhi Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine).

Sidoo kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha ku Ammaaney socodaalka uu ku tegey gobolada qaar, halka qaar kalena ugu socod:-.”Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa safarrada uu ku tegey gobolada Somliland qaarkood, halka qaar kalena uu u sii jeedo” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Aqoonyahan Shiine.

Geesta kale Aqoonyahan Shiine waxaa uu madaxweynaha ka codsadey in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland:-“Waxaan madaxweynaha kula talinayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland”

Aqoonyahan Shiine ayaa sii raaciyey hadalkiisa:-“Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in uu dhegeysto tabashada beelaha Somaliland, gaar ahaan kuwa Garxajis, Si gaar ahaaneed guddidii baaqyada ka soo saarey buurta gacan-libaax”

Geesta kale Aqoonyahan Shiine ayaa madaxweynaha uga digey in aanu la shirin shakhsiyaad gaar ah oo ka mid ah beelaha Garxajis, marka laga reebo guddidii shirka beelaha Garxajig ee Gacan-libaax:”Madaxweynaha Waxaan kula talinayaa in aanu la shirin askhaahs gaar ah, balse uu la shiro uu tabashadooda dhegeysto guddiidii shirkii beelaha garxjis Ee buurta Gacan-libaax”Waa sida uu hadalka u dhigee.

Si kastaba ha ahaatee farriimahan uu Siyaasi Aqoonyahan Axmed Maxamuud Cali (Aqoonyahan Shiine), uu hawada u mariyey ayaa noqon doono qaar wax ku ool ah oo mudan uu madaxweynuhu is-dul-taago.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top