Connect with us

somalilandtoday.com

Musharraxa Xilka Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Si Diirran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag +SAWIRRO

focus

Musharraxa Xilka Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Si Diirran Loogu Soo Dhoweeyey Degmada Badhan Ee Gobolka Sanaag +SAWIRRO

(SLT-Badhan)-Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019 Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafti ballaadhan oo uu horkacayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Boqollaal dadwayne ah oo soo dhoweyntiisa uusoo baxay ayuu Musharrax Jebiye kula hadlay goob fagaare ah, wuxuuna sheegay in abidkiis aanu la kulmin soo dhoweyn ka ballaadhan midda ay reer Badhan isaga iyo wafdigiisa ku qaabileen.

Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dhammaystiri doono mashaariicda horumarinta ee ka socda gobolka Sanaag, gaar ahaan mashruuca laamiga lagu saarayo jidka isku xira magaalooyinka Ceel-daahir iyo Ceerigaabo.

Musharraxu wuxuu sidoo kale ballan qaaday in uu degmada Badhan ka dhisi doono qasri madaxtooyo, kaas oo xilliyada qaar noqon doona xafiiska rasmiga ah ee Madaxwaynaha Puntland ku shaqeeyo.

Musharraxa iyo wafdigiisa oo kasoo ambabaxay magaalada Boosaaso.

                                                              

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top