Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyane Biixi Oo Saaka Safarkiisii Ugu Horreeyay Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland Iyo Ujeedada Safarkiisa

focus

Madaxweyane Biixi Oo Saaka Safarkiisii Ugu Horreeyay Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland Iyo Ujeedada Safarkiisa

(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka subaxii hore safar ugu baxay gobolada bariga Somaliland.

Ujeedada socdaalka Madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa sheegayaan in ay tahay in uu kormeer indho indhayn ah ku soo sameeyo goboladaasi, ka dib markii dhaliil badani ugu timid shacabka taas oo ah in aanu marna gobolada bariga tagin .

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya in uu xadhiga ka soo jarayo Jeel cusub oo loo sameeyay Magaalada Burco.

Madaxwayne Biixi ayaa la filayaa in uu ku sii nasto Magaalo Xeebeedka Barbara uguna gudbo Burco Xogtu ma sheegin in uu dhaafayo Burco iyo in kale.

Waa safarkii ugu horreeyay ee magaalada Hargeysa uga baxo dhinaca bariga muddo sannad ah ka dib tan iyo markii la doortay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top