Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Balankii Waad Nagaga Baxday !!! W/Q: Axmed Kaafi Salleeban.

Articles

Madaxweyne Balankii Waad Nagaga Baxday !!! W/Q: Axmed Kaafi Salleeban.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, Waxaa bari deganaa goob barwaaqo iyo nabad maasheysay koox jiir ah, waxa mar danbe ku soo biiray koox kale oo nabada goobtu soo jiidatay. Way ku tarmeen nabad iyo caano ku maaleen, hase yeeshee waxa xaalkii is badalay markii bisadi soo ag degtay, ee ay midho midhaysatay, dhawr bay ku quraacatay dhawr kale oo jiirka ka mid ahna way ku qadaysay, intii kalana way ku cashaysay. Mid kasta oo ka mida jiirka deegaanku wuu dareemay halista la soo daristay, Odayaashii, haweenkii iyo dhalinyaradii baa iclaamiyey shir ballaadhan oo lagaga tashanayo arrintan ku soo korodhay.

Markii lagaadhay maalintii

loo ballan sanaa shirka waxa gudoomiyay odaygii ugu da,da waynaa jiirka, wuxuu yidhi “waad ogtihiin oo ma lihin awood aynu iskaga celino bisada waxaase loo baahan yahay in la fikiro, maskaxda la tuujiyo oo lala yimaado xeelad inaga bed baadisa baladan laynoo soo diray, shirkiina wuu furan yahay”. Waxaa markiiba farta taagey mid ka mid ah aqoon yahankii oo hadalkii la wareegay.

Waxaanu yidhi guddoomiye, “Bisadu intay soo dhabacato bay mar qudha daf ina soo tidhaahdaa inagoo baraad la, bay mid inaga mida latagtaa, haddii aynu si uun ku garan lahayn markay soosocoto waynu ka carari lahayn oo godkeena baynu isku shubi lahayn”. Midka mid ah dhallin yaradii baa hadalkii la wareegay wuxuu yidhi aniga oo tixraacaya hadalka saaxiibkay waxaan soo jeedinayaa gudoomiye in bisada aan goorta u gelino koor, sidaas baan ku ogaanaynaa markay xageena u soo dhaqaaqdo oo aan ka tabaabushaysan karnaa, mar qudha baa sacab, mashxarad iyo sawaxanku is qabsaday, sax sax allelehe waad heshay loo noqon maayo bay ku dhawaaqeen iyaga oo jibbaysan.

Iyada oo sidii la tuban farxad iyo riyaaq oo gudoomiyihii ku dhawaaqay in u shirku xidhan yahay baa waxa albaabka ka soo galey jiir shirka ka habsaamay oo hurdo latagtey hadda uun socda, markaas buu waydiiyey waar maxa dhacay mee shirkii?. Markii loo waramay wuxuu ku yidhi waar fikirku ma xumee yaa fulinaaya, yaa bisada koorta qoorta u galinaaya?!!.

Hadaba shirkan jiirku wuxu I xasuusiyay balan-qaadyo tiro badan oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo xisbigiisa KULMIYE ay u sameeyeen shacab waynaha ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland wakhtigii lagu jiray olalaha doorashada madaxtinimo, muuse biixi mar walba oo uu fagaarayaasha ka hadlayo wuxu inoo sheegayaa waxa loo baahan yahay in dalkeena laga qabto dhinac kaste oo ay ahaataba, hada odaygu waxqabad isaga looga fadhiyay oo loo baahnaa inuu qabto ayuu shacabka ku canaananayaa maxaa loo odhan jiray muuse go’aan qaadasho ayuu leeyahay.

Arinta lala amakaagsan yahay ayaa ah markii dhawaan madaxweynuhu sameeyay isku shaan-dheyn hadal badan dhalisay oo uu wasiirkii maaliyada u dhiibay inaaderkii Sacad Cali shire oo aan ogayn siduu ugu fashilmay siyaasadii arrimaha dibada halka uu Odaygii Faratoona u dhiibay wasaaradii arrimaha dibada, somaalidu qofka ay maqasha kala quusato ayay geela u dirtaa?

Gobolkii balaadhnaa ee sanaag jabhado ayaa ka dilaacay, badhan puntland ayaa fara-baas ku haysa, farmaajo ayaa siyaasadii arrimaha dibada weerar aan gabasho lahayn inagag haya, sicir-bararkii ayaa xadhkaha goostaay, xilalkii ugu mihiimsanaa waxaa haysta beesha madaxweynaha, shaqo la’aan, wax-qabad la’aan, wasiiradii ayaa laba laba isku haysta oo maalin walba aan warbaahinta ka aragnaa laba masuul oo madaxa iskula jira oo is haysta IWM, alle ha sahlee Xaaladuhu waa wax soo yucan !!!

Gunaanadkii madaxweynahuhu balankii uu inagaga baxay wax badan oo uu inoo balan-qaadayna waxba kama socon, waxan kula talin lahaa laba mid uun, inuu madaxweynuhu imika sidan wax ka badalo iyo inuu sida ugu degdega badan isu casilo, hadii odaygu uu xaladahan indhaha ka daawado waxa dhici kacdoon dadweyne isagana ceeb iyo fool-xumo ayaa ka raaci.

Waxaa Qoray: Axmed-kaafi Saleebaan Carab

Axmedsalo123@gmail.com

Burco/somaliland

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top