Connect with us

somalilandtoday.com

Wakiilka Somaliland U Fadhiya Kenya Oo La Kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka KENYA

focus

Wakiilka Somaliland U Fadhiya Kenya Oo La Kulmay Wasiirka Ganacsiga Dalka KENYA

(SLT-Nairobi)Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.” ayaa lagu bilaabay.

Qoraal bartiisa Facebook uu ku baahiyey shalay Safiir-Xigeenka xafiiska JSL ee Kenya Md Ayaanle Salaad Diiriye iyo xogo dheeraad ah oo u siiyey weriye Maxamuud Walaaleye ayaa dhignaa sidan:

Wasiirka Ganacsiga dalka Kenya Md Peter Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Md Baashe Cawil Cumar iyo hawlwadeeno ka tirsan xafiiska Safaarada JSL ee Kenya ayaa lagaga hadlay dardargelinta xidhiidhka Ganacsi ee labada wadan iyo labada shacab wadaagaan.

Kulanka oo labada dhinac arrimo kala duwan ku falanqeeyeen, isla markaana is-afgar wanaagsan ku gaadheen ayaa qeyb ka ah kulamo guud ahaan madaxda safaaradu mudooyinkii u dambeeyey la yeelanaysay madax kala duwan oo xukuumada Kenya, wakiilada Wadamada Qaadhaan-bixiyeyaasha, Saaxiibada Somaliland iyo kuwa jecel horumarkeena.

Dalka Kenya oo ka mid ah dalalka caalamka ee xidhiidho taariikhi ah & saaxiibtinnimada la wadaagi jiray muddo dheer Somaliland iyo shacabkeeda ayaan isla qaadanay sidii loo sii horumarin lahaa.

Gebagebadii qoraalka safaarada JSL ee dalka Kenya ka soo baxay ayaa lagu sheegay,

Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqeyno oo aan wax badan wada qabsano, sababoo ah, Waajibaadka aanu u xilsaaran nahay ayey ka mid tahay horumarinta xidhiidhka Ganacsi ee JSL la wadaagto dalka iyo shacabka Kenya, si aanu uga dhabayno bartilmaameedkii Madaxweynaha JSL.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top