Connect with us

somalilandtoday.com

Qareenka Gabadha Madaxweyne Donald Trump Ku Eedaysay In Uu La Seexday Oo La Xidhay

focus

Qareenka Gabadha Madaxweyne Donald Trump Ku Eedaysay In Uu La Seexday Oo La Xidhay

(SLT-Washington)-Michael Avenatti oo ah qareenka gabadha caanka ku ah jilitaanka filimada galmada ah ee dacwada ku soo oogtay madaxweyne Donald Trump ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay rabshad qoys, sida uu shaaciyay booliiska Los Angeles.

Barta TMZ ayaa markii hore ku warrantay in qofka dhibka loo gaystay ay tahay Lisa Storie-Avenatti oo ah xaaska Avenatti oo ka irdhawday.

Balse qareenkeeda ayaa sheegay in aysan ku lug lahayn eedayntaas, sida ay ku warrantay barta BuzzFeed News.

Barta TMZ ayaa iyaduna markii dambe sheegtay in dhacdadaas ay la xiriirtay haweenay kale.

Lamaanahan kala irdhoobay ayaa is guursaday 2011 balse waxaa la sheegay in Avenatti uu xareeyay waraaqihii furitaanka sannadkii 2017.

Gar yaqaankan ayaa caan noqday markii uu qareen u noqday Daniels.

Daniels oo jilaa ah ayaa sheegtay in xiriir muddo kooban ah ay yeesheen iyada iyo madaxweyne Trump – eedaymahaas oo uu diiday – waxayna go’aansatay in ay isaga baxdo heshiis ay saxiixday doorshadii Maraykanka ee 2016 ka hor, kaas oo ku saabsanaa in arrimahaas aysan ka hadlin.

Avenatti oo barnaamijyada telefeshinnada aad uga soo muuqda ayaa noqday mid aad u dhaliila madaxweyne Trump, sida uu sheegayo David Willis oo ah weriye BBC ka tirsan oo ku sugan Los Angeles.

Avenatti ayaa mar tilmaamay in uu rabo in uu rabo in uu isu soo sharaxo madaxweynenimo marka la gaaro doorashada 2020, sida uu saxafigaasi sheegay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top