Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Cunaqabatayntii Saarnayd Ka Qaaday Dalka Eritrea.

focus

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Cunaqabatayntii Saarnayd Ka Qaaday Dalka Eritrea.

(SLT-New York)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta saarneyd dalka Eritrea laga qaado. Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya.

Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara.

Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top