Connect with us

somalilandtoday.com

Go’aanka Xukuummadda Ka soo baxay! W/Q Ibraahim Khadar Siciid

Articles

Go’aanka Xukuummadda Ka soo baxay! W/Q Ibraahim Khadar Siciid

Xaaladdo gaar ah uun baa dhaqdhaqaaqa oo cawayntu qayb a yahay la mabnuuci karaa oo waa ‘Xaaladaha Deg degga (Emergency Situation).’ Taasna waa mid dastuurku jideeey, sababeeyeyna hannaanka iyo sababaha loo sameeyo.


Laakiin, in iyadoon ammaan darro jirin lagu dhawaaqo, lana sababayn waayo waxay xad-gudub Ku tahay dastuurka xuquuqo uu jideeyey. Tusaale ahaan, xuquuqda dhaqdhaqaaqu waxa Ka farcama xuquuqo badan oo ay ka

mid yihiin in muwaadinku socon karo xilliga uu doono, cawayn karo. Waxa kale oo xidhiidh la leh xuquuqda ganacsi. Intaas ba haddii waqti loo qabanayo waa in la sababeeyaa sharcigana loo raaca.
Laguma jiro xalad digtaytar amma kaligii talis ee dalka waxa Ka talisa xukuumad cod shacab ku timid, go’aannadeeduna waa in ay noqdaan kuwo aan daastuurka ka horimaanayn.

Go’aannada noocan ah maxkamadda looga dacwoon lahaa lama aasaasin oo waa maxkamada Dastuuriga. Waxa ay tiir ilaalin u ahaan lahayn ilaalinta xuquuqaha muwaadinka. Maxkamadda Sare ayaa shaqadaas sii Haysa hadda si ay tahay ba.
Xukuumaddu waxa ay awoodda sharci-dejineed ku heshaa awood-wareejin (Deligated legislative), waana sababta loogu ogolaado in sharciyada aan ahayn kuwa aasaasiga (Primary/organic act) ay soo saari karaan sida digreetada, wareegtada amma siyaasadaha amma go’aannada, kuwaaso sharci noqda.
Haddaba, haddii ay ku xad-gudubto awooddaas waxa ay samaysay awood-ku takri-fal (Substantive Ultravirus), taasna waxa lagu xakameeyaa kantaroolka Garsoorka (Judicial control). Waxa mar dhacda in go’aanka xukuumaddu uu dastuurka Ka horyimaad (Illegality or unconstitutional), waxaana go’aannadaas baabisa Maxkamad Dastuuri ah marka hannaankeena la eegaayo.
Haddii go’aannada idaariga ah dabar wayaan saw ha socoto uun noqon mayso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top