Connect with us

somalilandtoday.com

Ambassador Aadan Muuse Jibriil Oo Tilmaamay In Aanay Wax Fiican Ahayn In Kuraasta Ugu Saraysay Xukuumadda Ay Cid Gaar Ahi Uruursato.

advertise

Ambassador Aadan Muuse Jibriil Oo Tilmaamay In Aanay Wax Fiican Ahayn In Kuraasta Ugu Saraysay Xukuumadda Ay Cid Gaar Ahi Uruursato.

Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale.
Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii.


Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’.

Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin.

By Adam Muse Jibril
adamjibril@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top