Connect with us

somalilandtoday.com

Xasuus:- Somaliland Markayga ………… By: Khadar Adam Aw Muuse

Articles

Xasuus:- Somaliland Markayga ………… By: Khadar Adam Aw Muuse

Xusuus 13/11/018

Somaliland markayga 29/7/017

Dalkeenu waxa uu ku dhisan yahay xisbiyo ku salaysan qabiil , gudoomiye kastan oo xisbina waxaa loo nisbeeyaa in uu qabiilkiisu xisbigaa uu gudoomiyaha u yahay leeyahay, tiiyoo taasi jirto ayaan hadan wax qaran wada leeyahay oo dad ka dhaxeeya aan meesha la soo dhigan, oo gudoomiye kastaa reerkiisa ayuu ku tiirsan yahay, oo taloodada iyo arinkooda uu ku dhaqmaa kuna socdaa ,ismana yidhaah waar waxu waa wax qaran leeyahay, markaa qabiil kasta nasiibkii, markaa waxaanu is idhi tanay waxay wax ku fahmaysaa qabiile bal sidan ugu dhig .

Markaa maanta .sadexda xisbi ee jira laba reer

baa leh, midna reer baa leh , waana sadexda xisbi ee ku tartamaaya saaxada , hadaba ma laba mise mid , laba xisbi waxaa leh reerka layidhaah garxajis , waan fursad ay heleen ,oo aanan u malaynayo in aanay soomari doonto reer Somaliland aa kale, waayo laba xisbi oo reer wada leeyahay waa awood ,ay wax ku bedeli karaan ,isbedelna ku keeni karaan,
Waayo waxaa tusaale uah, markii uu kulmiye xukunka doonanyey , waxaa shir reernimo oo habar xabuusheeda ah lagu qabatay gar adag, waxii ka soo baxayna waxay sababtay in kulmiye ku guulaysto, xukunka .xukumadii udubna uu meesha kasaaro kuna baabiiy,

Kulmiye markaa waxa uu ahaa xisbi reer kaliya, ucidna waxay hayd xisbi reer kaliya, udubna waxay ahyd xisbi reero , in kastoo xisbiyo qaran lagu sheegi jiray, laakiin maanta laba xisbi ayaa reer wada leeyahay, oo la odhan karo waa awood ka wayn tan dowladnimada , hadab maxaa la gudboon reerkaa labda xisbi nasiibku siiyey,

Reerku waxay leeyahiin ,aqoon yahano, siyaasiyiin,dhalinyaro, haween, odayaal caaqilo.iyo indheergarad, ma waxay garan laayahiin ,waxii habar xabuusho gartay, oo habar kaliya ahi , markaa hadhow laga yeeli maayo, dudmo , waa nalagaga shubtay iyo qas iyo ucid baa ahayad sub station kulmiye .waxaasi idinka socon maayaan, iminkay fursadu gacantiina ku jirtaa .

“Taldu waa mar aad garnwaydo iyo mar aad gaadhiwaydo” waliba ku darsoo laba sano kadib doorashada madaxtooyada, waxaa lafuri doonaa xisbiyadii badnaa ,markaa kulmiye isgu wali waa sii taagnaan doonaa ina kaahin baana gudoomiya noqondoona , xisbiyo kale ayaa saaxada soo galaaya, markaa halkaas baad saaxad siyaasada uu kaga bixi doonaa garxajis, oo isku daygaagii hore ku fashilmay , kii labaadna hadad ku fashilto. Sow sidii xuurta dushaas raqda ka eeg maaha , fursad kale oo ay helaan maan sheegin,

Gabo gabadii

Mowduucan oo aan qoray 29/7/017 kii , markaas oo ololahii madaxtinimada madaxtooyadu meel aad usaraysa marayey , isla malintaa uu hawada galay faysal cali waraabe gudoomiyaha ururka ucid oo radio hargaysa ka hadlaayey waxa uu difaacay siyaasadii jeegaanta , waxaanu dadka ku guubaabiyey in aan somaliland wareegto ahayn oo kolba reer xukunka qabsanayn ee ay tahay tartankaa kii gugulaysta . hadab waxaan leeyahay faysal cali waraabe ka waran maaanta, maanay ahayn somaalilind marakayg ,sidaas darteed cidii iswaasha iyo ciidii boodboodabana dhegaha ayaanu ku dhufanaynaa . taas ha la ogoodo , markaa somaliland marayakaga yaan la carqaladayn ,

By; khadar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top