Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Ururka Wadaniga Ah Ee SHAQO-DOON

focus

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Ururka Wadaniga Ah Ee SHAQO-DOON

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta SHAQO-DOON oo ah urur waddani ah kana shaqaysa sidii dhalinyarada reer Somaliland loogu tababari lahaa xirfad ay ku shaqaystaan sidoo kalena loola raadin lahaa shaqo.

Xaflad loo qabtay ururkani iyo dhismahiisa cusub ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka socoto xukuumadda, dhalin yaro iyo ganacsato tirro badan.

Agaasimaha Shaqo-doon oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntan cusubi ka qayb qaadan doonto sidii dhalinyarada reer Somaliland looga caawin lahaa sidii ay shaqo u abuuran lahaayeen layskuna waydaarsan lahaa doodo la xidhiidha shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha shakhsiga ah.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland u samaysay dhalinyarada sanduuq dhaqaale oo lagu taageeraayo, waxaana uu xusay wasiirku in xukuumadda Somaliland si weyn ugu guulaysatay inay isu dheeli tirto fursadaha shaqo ee haweenka iyo ragga.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in sanduuqa dhaqaale ee dhalinyarada loo sameeyay in sanad kasta lagu rido lacagtii loogu talo galay, islamarkaana ay baahi badan ka dabooli doonto dhalinyarada Somalilad waxa kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Waa run oo shaqo yari ayaa wadankeena ka jirta, hase-yeeshee annagu waxaanu samaynay dadaal kasta, waxaanu abuurnay sanduuq dhaqaale oo lagu horumarinayo dhalinyarada, annagu ma maamulno ee dhalinyarada ayaa maamulata sanduuqeeda guddi ayay leeyihiin, waxaanu ku rajo weyn nahay in aanu laban laabno taageerada aanu siino dhalinyarada”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jmahuuriyadda Somaliland
Wa Bilaahi Tawfiiq

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top