Connect with us

somalilandtoday.com

Wax Ka Ogaanshaha Doorashadii 13/Nov/ 2017 Iyo Hawshii Komishanka Qaranka ( Nec) … W/Q: Mohamed Basher Hassan (AYMAN)

Articles

Wax Ka Ogaanshaha Doorashadii 13/Nov/ 2017 Iyo Hawshii Komishanka Qaranka ( Nec) … W/Q: Mohamed Basher Hassan (AYMAN)

Magacaygu waa:maxamed bashiir xasan(Ayman) waxaan dhigtaa jaamacada burco gaar ahaan qaybta homumarinta bulshada (community development)

Waxaa igu kaliifay inaan maqaalkan qore xasuustii sanadkii hore 13/NOV/2017

Maalinku wuxuu ahaa maalin allah khayrkiisa ku manaystay waxaan u diyaar garoobayaa sidii aan uga mid noqon lahaa komishanka doorashooyinka qaranka somaliland.

Bishu waxay ahayd 20/October /2017 waxaan galay foomkii shaqda komishanka waxaan dhammaystiray dhammaan macluumaadkii la iga rabay.

Bishu markay ahayd 02/NOV/2017 tababarka qayb tii hore kama mid ahayn ardaydii jaamcada Burco aniguse waxaan ku dhacay qaybta 2aad oo bilaabmaysay 05/NOV/2017 waxaan imi jaamacada 7:30AM tababarkuna waxa uu noobilaabmay 8:00AM waxaan helay shaqada

ID CARD KII lagaga shaqaynaayey waxaan ku jirnay saddex maalmood tabarka subbaxdii ugu dambaysay dhaar ayaa naloogu dhaariyey (KITAABKA ALLAH EE QUR’AANKA)

islamarkaaba waxaa nakoray culayska dhaarta. Waayo?!

Qaranka waxaanu u hayndoona ayaamo xasaasi ah kana xun maalmaha madaxwaynayaashu joogaan waayo! maalmahaas waxaa la isu diyaarin doonaa doorasho qaran oo qofkasta iyo xisbikastaaba wuxuu halgan ugu jiridoonaa sidii uu u soo bixi lahaa hadaba shaqadaas ayaanu dhabarka u ridanay; allah waxa uu nuugu guuleyey horaanta shaqadadii aaanu haynay lakiinse! waxaan sugi doonaaba waa maalmaha ugu darantahay shaqadu.

Waxaan subixii ugu danbeeyey ee aanu u kala baxaynay dhamman gobolada dalka ee aanu ku qornayn kadib waxaanu ka diyaar garownay jaamacada burco xilli hore 6:00AM aniga iyo dhamman ardaydii aanu kala shaqada ahayn hadana waxaan diyaar u wada ahayn cadaalad,hawl kar firfircooni iyo jabsanaan.

shaqada la ii igmaday aniga waxay ahayd (XOGHAYE= GOOBTA 346-2-1-JARTA AIRPORT-1 ama masalaha hargaisa ).

Allah mahadii waxaanu bilownay safarkii shaqada aniga iyo shaqaalihii kale oo u baxnay hargaisa xili duhur kii ay ahayd waxan gaarnay galabnimadii caaisamadda Somaliland .

komishanka doorooshayinka qaranka ayaa nasoo dhaweeyey sifiican oo wanaagsan;iyagoo na horgalay oo nageeyey goobtii ay noogu talagaleen inaan seexanno(farah omar secondary school) mar haduu wakhtigu uu yahay habeen;

aniga iyo shaqaalihii aanu wada soconay waxa aanu lakulanay wax anaan filanayn taas oo ah kala daad sanaan, habayacsanaan, ka muuqata goobta hurdada hadana u maanaan mayal taagin sababtoo oo ah?waxkastaa waxa ay ku suuroobaan sabir iyo dulqaad uu nafaraayey kitaabkii allah ee aanu ku soo dhaaranay.

subaxnimadii shaqadii ayaa bilaaabmatay 10/NOV/2017 subaxaas waxaanu ka soo lugeynay aniga iyo shaqaalihii oo guclaynaaya waddooyinka caasimada 5:30am waxaanu nimi jaamacada (HARGAISA UNIVERSITY)

aniga iyo shaqaalihii oo ay ka muuqato daal,boodh, iyo diifba hadana waxaan quluubtayada ka ifaayey shaqdaaanu ummadayada u hayno.

Howshii ummudda aanu uhayney maaalintaas waxay ahayd maalin aanu ilaabi karin hadaaanu qorno waxaan ka qorilahayn buug. ;

Waxaanu tegnay goobtii aanu ku qornayn kana shaqaynay oo ahayd masalaha ama magacaga gaarka ah ee komishanku uu labaxay oo ah (JARTA-AIRPORT-1) waxaan anigu ogaaday islamarkaana aan ku naxay inaanan wadan wax alaab ah (hu’ah) sababtoo ah shaqada kulaylkeeda iyo dedaalkeeda aan u sooo kalahay ayaan kuilaabay‘ waxa jirtay dhaxan badan mana seexan waxaan akhris bilaabay buugii doorasha 12:43PM kuna soo jeeday akhriskiisa.

Shacab jecel nabada iyo wada noolaanshaha sifiican ayey noola shaqeeyeen intii aan ku jirnay shaqada waxaa soogalay masuul sare oo xil ka haya xukuumadii gogosheeda ka duubanaysay xukunka ; isagoo sameyey arin khaladan liddina ku ah shacabkii masaakiinta ahaa;

intuu soo dhexjiiray kuna yidhi anigu waxaaan ahay komishineer

kaadh been abuur ahna tusay(kaadhkaasoo ahaa kii uu kaga shaqaynjiray shaqadiisa) kadibna shacabkii runbay ka moodeen sidaa sileegna waxa uu ku yidhi ciidankii goobta joogay ‘anigu waxaa ahay kormeere caalimi ah kadib way soo daayeen gudaha ayuu nuugu soo galay wuxuuna nugu yidhi ii baadha isagoon fadhiisan kadib waaxaan ugu jawaabnay markaanu ogaanay inuu yahay mid soo jiidhay qawaaniinta isagoo masuul sare ah hadana jabinaaya qaynuunka caalimiga ah masaakiintana aanu u tudhayn:

hadalkii na dhex maray;

Heedadowgii xilka sare hayey wuxuu yidhi:

Aar yaahee iga baadh buugga?

Aniga oo xoghayihii ah ayaa ugu jawaabay:

Adeer fadhiiso waad aragtaa dadkan daciifka ah ee noo fadhiya

Heedadowgii xilka sare hayey wuxuu yidhi:

Waa yeelkoodee adeer ii baadh?!

Aniga oo xoghayihii ah ayaa ugu jawaabay:

Baadhimaayo xeerkii meesha iyo kala danbaytiisii ayaad jabinaysaa waayo waxa anaga naloodhaariyey xil culus

kadibna waxaan ku idhi gudoomiyihii goobta lahadal kadib

wuxuu gudoomiyahii ugu jaawabay:

adeer labo mid samee waata kowaad ee kabax gooobta kadibna laynka dabada kasoo qabso waata labaad ee dadwaynaha faraha badan soo waydiiso in aad danleedaay kadibna wuu baxay wuxuu yidhi waayahay waa uuna waydiistay wayna ka aqbaleen waayo waa masuul hadana sharaf sheeganaaya hadana jabinaaya xeerkasta; ‘allah haynoo soo hadeeyo masuuliyeenteena’

Allah mahadii waxaa noo soo dhammaatay doorashadii 6:00PM makhribnimo.

Waxaanu bilownay tirintii codbixiyayaasha 6:30PM waxayna noosoo dhamaystirantay 11:24PM telephone ayaanu u dirnay xarunta qaybtayada laga maamulo ee (KDQ) dabina waxay noo soo direen gaadhi bas ah waana aanu raacnay waxaan tagnay goobta la isugu keenaayo degmooyinka hargaisa dhammantooda halkaasna waxaa ku diyaar ah shaqaale loo igmaday inay goobkasta qalabkooda laga tiriyo waxaanu sidoo kale isku aragnay gudoomiyaha (KDQ) (ABDIQADIR IIMAN) waaxanu u sheegnay inaanu si quruxbadan nuugu soo dhammaatay allah mahadii

Gubaabadii waxaan usheegayaa ummada Somaliland utilmaamaya inay doorashadii inasoo dhaaftay si quruxbadan ay inuugu dhacday wax yar yar oo dhacay mooye bani aadamkana danbigu waa uu kadhacaa

Allah haynaga dhaafo danbigeena

(AMIIN)

Halhaystaydu waa:

Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad

QORE:Mohamed basher Hassan(AYMAN)

Tell:063-6483645/065-9345261

Email: mobashiir23@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top