Connect with us

somalilandtoday.com

“Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Sameeyey Ma Beelaha Garxajis Ayaa Lagaga Xanaajinayaa?” Prof. Cabdi Cali

focus

“Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Sameeyey Ma Beelaha Garxajis Ayaa Lagaga Xanaajinayaa?” Prof. Cabdi Cali

(SLT-Hargeysa)-Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa si mug leh uga hadlay isku shaandhaynta wayda ah ee madaxweyne Muuse Biixi ku sameeyey xukuumadiisa.

Proff Cabdi Cali Jaamac oo qoraal uu kaga hadlayo isku shaandhaynta ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay inay tahay talaabo loogu dan leeyahay in cid gaar ah lagaga xanaajiyo, isaga oo si gaar ah fariin ugu diray beelaha Garxajis.

Qoraalka Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa u dhignaa sidan:-

Ku: Siyaasiyiinta Garxajiska iyo Reeraha Kale Ee Somalilanad; (very informal letter)

Og: Xubnaha Barlamaanka ee Daacadda Ah.

Subject: Devide and Rule, Not In My Name (Iska Beri Yeelid)

Qof Kasta Oo Iska Beri Yeelaya Siyaasadda Iska Hor-keenka Reeraha Walaalaha Ah, Ha Taageero Soo Jeedintan.

Anigoo ogsoon in uu M/weynhu sharci u leeyahay soo magacaabidda golaha wasiirada; haddana waxa laga dheehan karaa siyaasadda uu rabo in uu ku hogaamiyo waddanka in ay tahay nooca siyaasadda Gumaysigu ku maamulo dal cadaw ah oo uu xoog ku qabsaday; marna siyaasaddan oo kale kuma dhaqmo nin lexejeclo ka leh dadkiisa iyo dalkiisa, oo loo soo doortay si dimuqraadi ah oo xor ah.

Markaan arkay Golaha uu soo dhisay M/weyne Biixi; markaan arkay dareenka diidmada ah ee ay ka bixiyeen dhammaan dadka Baraha Bulshada ku jiraa, waxan qirayaa in ay xeeladdu tahay DEVIDE and RULE; haddaba waxan u soo jeedinayaa walaalaha in aynaan u nuglaan goljilicdaa layna qabanayo ee aynu meel uga soo wada jeesano la xisaabtanaka hoggaanka dalka iyo la dagaalanka siyaasadda gumaysiga sokeeyaha ah.

Haddii isagu awood sharci u leeyahay in uu soo magacaabo wasiirada, innaguna waxaynu awood u leenahay in aynu dabagalo oo intaynu beddelo mawduucan wasiirada iyo sida loo qaybsanayo oo ah ka la rabo in la innagu mashquuliyo ee aynu ku kala fogaano, waxaynu innaguna awood u leenahay innaga oo kaashanayna Barlamaankeena inta aan la laaluushi karin in aynu bilawno in aynu bilawno la xisaabtan sida xagguu maray dhaqaalihii waddanku, immisa sharci baa la jabiyay; immisa maamul xumo ayaa la sameeyay; xorriyada saxaafadda, xuquuqal insaanka; taasina waxay suuragalaysaa innaga oo aan kala qaybsamin oo aan kala biiqbiiqin; haddii aynu qabysanno isma caawin karno, ee ogaada!!!

Cabdo; u dhaq-dhaqaaqa isu soo jiidka iyo walaalaynta beelaha Somalialnd.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top