Connect with us

somalilandtoday.com

Tirada Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii Shalay Ee Ka Dhacay Muqdisho Oo Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

focus

Tirada Dadkii Ku Dhintay Qaraxyadii Shalay Ee Ka Dhacay Muqdisho Oo Korodhay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

(SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ruxay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 40 qof, sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo madax banaan.


Qaraxyada oo ay ka dhaceen Hotelka Saxafi ayaa ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray afaafka hore ee wadada laamiga Hotelka, xilli wadada aheyd mid mashquul badan, gaadiid kala duwan ay marayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada ay ka badan yihiin 50 ruux, waxaana goobta qaraxa isku bedeshay goob aad u burbursan oo ka muuqdeen haraadiga iyo burburka uu sababay qaraxa.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay agagaarka CID oo u dhow Hotelka Saxafi, halka qaraxa 3aad lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, maadaama uu dhacay xilli uu socday gurmadka.

Cabdi Barre Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu Hotelka balan ku lahaa xilliga qaraxyada dhacayeen, isla markaana uu ka qeyb qaatay gurmadka markii qaraxyada dhacayeen.

“Hotelka ayaa balan kulahaa, waxaa markii aan galay Hotelka dhacay qaraxyada dadka badan ku dhinteen, aniga waxaa indhaheyga ku arkay oo aan wax ka qaaday meydad dhan 47 ruux, waxaa ku jiray dad uu jirkooda kala go’ay oo qaraxyada saddexda ahaa ay haleeleen”ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre Jibriil.

Dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxaa ku jiray C/fataah C/rashiid Shire Ilqeyte oo ka mid ah Milkiilayaasha Hotelka, saddex sano ka hor aabihii Ganacsade C/rashiid Ilqeyte ayaa ku dhintay weerar sidan oo kale Al-Shabaab ugu qaadeen Hotelka Saxafi.

Hotelka Saxafi ayaa ka mid ah Hotelada ugu caansan ee magaalada Muqdisho, waxaa uu ku yaallaa agagaarka Isgoyska KM4 oo ah goob aad u mashquul badan oo amnigeeda aad loo ilaaliyo.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarada qaraxyada ee shalay ka dhacay, waxaana qaraxyada ku soo aadeen maalin jimco ah oo dadka ka nastaan shaqooyinka, balse xilliyada galbihii magaalada tahay mid camiran oo dadka is booqdaan, iskuna arkaan meelaha kala duwan ee la isugu yimaado sida Hotelada iyo maqaayadaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top