Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaali Weerar Ka Gaystay Australia Iyo Ciidammada Booliska Dalka Australia Oo Ka Hadlay

focus

Soomaali Weerar Ka Gaystay Australia Iyo Ciidammada Booliska Dalka Australia Oo Ka Hadlay

(SLT-Melporn)-Booliska dalka Australia ayaa sheegay shalay oo Jimca ah in nin Soomaali ah uu mindi ku weeraray saddex qof, magaalada Melbourne, isagoo mid ka mid ah dilay, ka hor inta aysan boolisku toogan.

Booliku waxey sheegeen in ninkan uu watay gaari uu gaas saarnaa oo markii dambe dab qabsaday, iyagoo intaa ku daray inay weerarka u tixgelinayaan sidii weerar argagixiso.

Saraakiisha amniga ayaa ninkan weerarka geystay magaciisa ku sheegay Xassan Khalifa Shire oo 30 sano jir ah in uu midi uu watay uu ku waxyeeleeyay ilaa 4 ruux oo taagnaa hareeraha wado ku taallo bartamaha magaalada Melporn ee dalkaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in uu damacsanaa in gaari uu ka soo buuxiyay gaas iyo dhalooyin in uu qarxiyo balse Boolisku ay ka hortageen intaanu falkaasi geysan oo ay toogteyn booliska.

Sarkaal ayaa sidoo kale warbaahinta la wadaagay in Ninkaani Paspporka dalkaasi lagla noqday sanadkii 2015 kaddib markii ay fahmeyn in si uun uu u taageero kooxda Daacish.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top