Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Qalin-jebinta Jaamacadda ALPHA

focus

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Qalin-jebinta Jaamacadda ALPHA

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay qalin-jebinta Jaamacdda ALPHA qaybta digree ga labaad ee Master-ta.

xafladani oo si weyn looga soo qayb galay ayaa waxa halkaasi ardayda hadalo dhiiri gelina uga jeediyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Gudoomiyaha Jaamacadda ALPHA ayaa sheegay in ardayda qalin-jebisay ay ka kooban tahay 50 arday, islamarkaana dadaal dheer soo sameeyay mudadii ay jaamacadda wadeen.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ardayda qalin-jebisay uga jeediyay khudbad ayaa kula dar-daarmay ardayda inay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegaan cilmiga ay barteen. Gebogebadii waxa halkaasi ardayda lagu gudoon siiyay shahaadooyin iyo abaal-marino kale

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top