Connect with us

somalilandtoday.com

Bayaan Wadajir Ay U Soo Sareen Madaxweynayaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea

focus

Bayaan Wadajir Ay U Soo Sareen Madaxweynayaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea

(SLT-Addis-ababa)Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay shirkii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ee ka dhacay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya.

Shirkan oo ahaa kii labaad ee ay madaxda saddexda dal yeeshaan ayaa looga hadlay iskaashiga dhaqaalaha saddexda dal iyo isku xirka dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyadoo Bayaanka si weyn loogu taageeray qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Bayaan ayaa dowladda Somalia ku amaanay horumarka ay ka gaartay dhinacyada kala duwan, waxaana si cad bayaanka loogu sheegay inay garab taagan yihiin madax bannaanida dhul, siyaasad iyo qaranimo ee Soomaliya.

Bayaanka wuxuu si diiran u soo dhoweeyay cunaqabateynta laga qaaday dalka Eritrea oo kaalin ka qaadan doonta xasiloonida iyo horumarka Gobolka. Bayaanka ayaaney ka muuqan wax gaara iyo heshiisyo saddexda dal gaareen, waxaana kaliya lagu soo qoray arrimo guud.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top