Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Soomaliya Ka Caawinaaya Dhismaha Ciidamadda Badda

focus

Turkiga Oo Soomaliya Ka Caawinaaya Dhismaha Ciidamadda Badda

(SLT-Muqdisho)Wasiirka Gaashaandhigga dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa Sheegay in Dawlada Turkigu ay sii xoojinayo dadaallada ay uga qeyb qaadanayso dhishamaha CiidaMadda Dalkaasi  Soomaaliya.

Dawladda Turkiya oo haatan tababar iyo qalabeyn ku sameysa Ciidamada   ayaa ballan qaaday dib-u-dhiska, tababarka, tayeynta iyo qalabaynta Ciidamada Badda soomaaliya si Dowladdu ay awood buuxda ugu yeelato difaaca xeebaha dalka oo idil, taa badalkeedane looga hortago burcad badeeda iyo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Difaaca Turkiya ayaa dhankiisa adkeeyay in dowladdiisu ay taageero hagar la’aaneed la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya isagoona tilmaamay in dhammaan xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka ay dhowaan ku sameynayaan dib u dayactir.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii waxa uu ku bogaadiyay Dowladda soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo dhismaha ciidamada qalabka sida.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top