Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Ethiopian Airlines Oo Dulimaadyo Rasmiya Ka Bilawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.+SAWIRRO

advertise

Muqdisho: Ethiopian Airlines Oo Dulimaadyo Rasmiya Ka Bilawday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.+SAWIRRO

(SLT-Muqdisho)Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa maanta si rasmi ah magaaladda Muqdisho ee xarunta Dalkaasi Soomaliya uga bilowday duulimaadkii u horeeyay oo rakaab ah muddo 40 sano ah, iyadoo diyaaraddu ay sameyn doonto duulimaadyo caadi ah todobaadkiiba saddex jeer oo ay ku imaan doonto Muqdisho.

Munaasabad lagu daah furayay duulimaadka cusub ee Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa ka dhacday garoonka Aadan cadde, waxaa munaasabadda ka qeyb galay Safiirka Ethiopia u fadhiya Muqdisho Jamaaludiin, Duqa Muqdisho, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Soomaaliya, Agaasimaha Hey’adda Socdaalka Soomaaliya, Madaxda Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Mas’uuliyiin kale.

Isku socodka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku dhawaad nus qarni ahaa mid hakad kujirey. Waxayna shekadu hore dulimaadyo uga samayn jirtay Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland ee la jaarka ah Soomaliya .

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa noqoneysa diyaaraddii labaad oo caalami oo duulimaad ka bilowda Muqdisho, horay waxaa sanadkii 2012 duulimaad rasmi ah ka bilowday Muqdisho Shirkadda Turkish Airlines oo ka mid ah diyaaradaha caalamiga ah. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Raysal Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abby Ahmed uu wado dadaalo isbadal oo Geeska Afrika Ah.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top