Connect with us

somalilandtoday.com

Toogasho Dhimasho Iyo Dhaawac Keentay Oo Ka Dhacday Gobolka California Ee Dalka Maraykanka+SAWIRRO

focus

Toogasho Dhimasho Iyo Dhaawac Keentay Oo Ka Dhacday Gobolka California Ee Dalka Maraykanka+SAWIRRO

(SLT-California)Booliiska dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan warar sheegaya rasaas lagu furay baar ku yaalla gobolka California ee dalka Maraykanka.

Ilaa iyo hadda wararkii u danbeeyay ayaa sheegaya inay dhimashadu marayso 13-ruux oo uu ku jiro Qofkii Dadka laayay. Tiro intaas ka badana ah way ku dhaawacmeen  baarka Borderline Bar and Grill

Muuqaal laga baahiyay warbaahinta gudaha ayaa muujinaya dad laga sii wado goobta uu shilku ka dhacay, kuwaas oo ay u badan tahay in ay dhaawacyo xabbad qabaan.

Booliiska ayaa dadka ka dalbaday in ay isaga fogaadaan goobta rasaasta laga soo sheegay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top