Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaalka Ka Socda Dalka Yemen Oo Sii Xoogaystay Iyo Wararkii U Danbeeyay

focus

Dagaalka Ka Socda Dalka Yemen Oo Sii Xoogaystay Iyo Wararkii U Danbeeyay

(SLT-Xudayda)Waxaa sii xoogaystay dagaalka ka socda magaalada dekedda leh ee Xudayda ee dalka Yemen, iyadoo ciidammada dawladda oo gacan ka helaya duqaymaha xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ay ku sii siqayaan goobaha jabhadaha.

In kabadan 150 ruux ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen tan iyo markii ciidammada dawladda iyo malayshiyaadku ay sare u qaadeen dagaalkooda dhanka dhulka ah ee duleedka magaalada Khamiistii.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalku uu sidoo kale halis galinayo xarummaha caafimaadka iyo boqolaal kun oo shacab ah.

Dakadda Xudeyda waxaa ku tiirsan malaayiin reer Yemen ah oo qarka u saaran macaluul.

Qiyaastii 80% shixnadaha gargaarka, shidaalka iyo alaabooyinka ganacsiga ah ee ay ku tiirsan yihiin ayaa dakaddaas soo mara.

Qaramada Midoobayna waxay ka digtay in ay masiibo dhici doonto haddii waxyeello la gaarsiiyo dekedda, la burburiiyo ama la go’doomiyo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top