Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidamadda Dawlad Degaanka Soomalida Itoobiya Oo Deeqo Uu Soo Diray Madaxweyne Mustafe Cagjar U Qaybiyay Dadka Ku Dhaqan Degaanada Saax Dheer Iyo Dhuumay+SAWIRRO

focus

Ciidamadda Dawlad Degaanka Soomalida Itoobiya Oo Deeqo Uu Soo Diray Madaxweyne Mustafe Cagjar U Qaybiyay Dadka Ku Dhaqan Degaanada Saax Dheer Iyo Dhuumay+SAWIRRO

(SLT-Saax-dheeg)Ciidamadda  Booliska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa kaalmo u qaybiyay dadkii ku barakacay dagaal Beeleedkii dhawaan ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, deeqahan oo isugu jiray, Bustayaasha dhaxanta, Gogol, Rashiin iyo cuntooyin kale.

Dadka Caawimada loo qaybiyay ayaa ku sugan magaalooyinka Dharkayn Geenyo iyo Saax-dheer oo xadka ku yaalla.

Caawimadan ayaa waxa bixiyay madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar. Geesta kale wuxuu Madaxweyne Mustafe Cagjar soo diray Ciidamo suga ammaanka oo ku sugan degaanka ay ku dagalameen Beelihii walaalaha aha ee Baharsame iyo Qayaad.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top