Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Difaaca Turkiga Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

focus

Wasiirka Difaaca Turkiga Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Waxaa maalinta Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafti heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas.

Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA.

Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona mas’uuliyiin Soomaali ah iyagoo ka wadahadli doona sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale labada dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top