Connect with us

somalilandtoday.com

SOOL: Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Tukaraq Iyo Wararkii U Danbeeyay Aagaas.

focus

SOOL: Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Ka Socda Tukaraq Iyo Wararkii U Danbeeyay Aagaas.

(SLT-Tukaraq) Wararka ay shabakadda Wararka Somalilandtoday ka helay  deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta  halkaasi ay ka jirto dhiilo colaadeed oo u dhexaysa   Jamhuuriyadda Somaliland Iyo maamulka Puntland.

Wararka ay helayso Somalilandtoday  badan  waxa ay sheegayaan in labada dhinacba saaka ay isku hub uruursanayaan si midba midka kale uu isga difaaco .

Dhaq dhaqaaqan ka soo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay ku jirto  ololihii doorashada Madaxtinimada.

Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Puntland ayaa Tukaraq isku hor fadhiya mudo ku siman sagaal bilood , maalin ka hor ayay ahayd marii uu ergayga gaarka ah e Qaramada midoobay Ee Soomaaliya uqaabilsan uu kala hadlaya xaalada Tukaraq madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Isagoo sidoo kalena Garoowe kula kulmay Madaxweyne Cabdi Wali Gaas .

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top