Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Ciidmadda AMISOM Oo Dad Shacab Ah Rasaas Ku Laayay .

focus

Muqdisho: Ciidmadda AMISOM Oo Dad Shacab Ah Rasaas Ku Laayay .

(SLT-Muqdisho)Inta la xaqiijiyay 4 qof oo rayida ayaa dhintay ka dib markii ciidamada AMISOM la sheegay in ay toogteen dadkaasi ka dib markii kolonyo ay la socdeen qarax waddada dhinaceeda la dhigay lagulla eegtay Ex control Balacad ee magaalada Muqdisho.

Ehelada dadka la laayay ayaa Radio lugo badan u sheegay in ay inay aaminsan yihiin in si ula kac ah loo dilay 4-ta qof ee dhimatay kadib markii ciidammadu inta ay ka dageen gawaarida mid mid u toogteen raggan oo joogay meel aan sidaa uga fogeyn halka uu qaraxu ka dhacay.

Lama yaqaano khasaaraha ciidammada gaaray marka laga reebo in labo kamid ah gawaaridooda ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa sida dad goobjoog ah ay sheegeen.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top