Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaliya: Madaxweyne Farmaajo Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Heshiis Dhex Mara Maamul Goboleedyada.

focus

Soomaliya: Madaxweyne Farmaajo Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Heshiis Dhex Mara Maamul Goboleedyada.

(SLT-Muqdisho)Xog gaara ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku wargaliyay in Dowlada dhexe ay diyaar u tahay inay xaliso dhamaan tabashooyinka ay qabaan Madaxda Maamul Gobaleedyada hadii laga helo hal shuruud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Nicoles Hysom u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ixtiraam u heyso Maamulada ay iyada maamusho balse ixtiraamkaasi aan laga heyn maamuladaasi sidaa darteed wuxuu Madaxweynaha cadeeyay in ay xalin doonaan wax kasta oo ay tabanayaan Maamul Gobaleedyada hadii ay ka dambeeyaan Dowladooda.

Mudane Farmaajo ayaa dhinaca kale diiday in wada hadal ay la yeeshaan Dowlad Gobaleedyada hadii dhaqamadii ka barbar socday Dowlada, la kulankii Dowladaha xiriirka liita kala dhaxeeya Soomaaliya iyo siyaasadii kasoo horjeeday Dowlada dhexe ay wadaan Maamul Gobaleedyada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay Warqad uu ku doonayo Madaxweynaha inuu u sharaxo tabashooyinka jira iyo sida ay Dowlada dhexe u dooneyso inay u xaliso Maamulada hoostaga, waxaana Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya uu inoo sheegay in Madaxweynaha uu cad yahay Mowqifkiisa Maamul Gobaleedyada, isagoona diiday inay u dhaqmaan sida inay iyaga dalka madax ka yihiin.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda Dowlad Gobaleedyada ayay ku adkaan doontaa inay fuliyaan shuruudaan maadaama waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowladan ay ka mid tahay inay la xisaabtameyso, kuna cadaadineyso inaysan ku milmin siyaasadda dalalka wada shaqeynta la leh Soomaaliya iyo kuwa aan la laheyn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top