Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Mareykanka Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ka Fulisay Dalka Soomaaliya

focus

Dawladda Mareykanka Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ka Fulisay Dalka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Arare.

Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka ku cad waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale.

Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii koox mintidiin ah oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan.

Warka qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan dhammaan tallaabooyiinka sharciga ah ee ay ku difaacayaan muwaadiniinta Mareykanka ayna ku minjaxaabinayaan argagixisada,iyaga oo kaashanaya Ciidamada Amisom iyo kuwa qaranak Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top