Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland Oo Mar Kale Ku Dagaallamay Deegaanka Tukaraq

focus

Ciidammada Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland Oo Mar Kale Ku Dagaallamay Deegaanka Tukaraq

(SLT-Tukaraq)-Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uu xalay niskii hore dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo halkaas isku hor fadhiyay ilaa horraantii sanadkan. Ciidamada Puntland ayaan weerar gaadmo ah ku soo qaaday Somaliland sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo isla xalayba is taagay.

Dagaalka ayaa imanaya iyada oo ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Haysom shalay iyo dorraad Garoowe iyo Hargeysa u joogay sidii xal looga gaadhi lahaa colaadda Tukaraq ee soo noqnoqotay lamana oga sababta maamulka Puntland u carqaladayso nabadda xilliyada beesha caalamku dhaqdhaqaajiyo dadaallo nabadeed.

Geesta kale isla xalay ayaa degaanka Dararweyne lagu dilay nin dadka degaanka ka mid ah. Ma jiro war ka soo baxay sababta dilka iyo cidda ka dambeysay. Waxa halkaasi hore uga dhacay dagaallo laba beelood u dhexeeya kuwaas oo dhawaan heshiis la dhex dhigay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top