Connect with us

somalilandtoday.com

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaliya Oo Isniinta La Kulmaaya Madaxda Maamul Goboleedka Galmudug.

focus

Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaliya Oo Isniinta La Kulmaaya Madaxda Maamul Goboleedka Galmudug.

(SLT-Gaalkacayo)Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxa xukuumadda maamulkaasi Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan oo hoggaamiya Garabka Galmudug ee fadhigiisu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa ku qasbanaaday inay tagaan magaalada Gaalkacyo si ay ula kulmaan Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya.

Xaaf iyo Sheekh Axmed Shaakir ayaa safar cirka ah ku tegaya magaalada Gaalkacyo halkaas oo loo wareejiyey inuu ka dhaco kulanka wakiilka cusub ee Q/Midoobay Nicholas Haysom iyo madaxdan, kadib markii magaalada Cadaado lagu hor istaagay Gaadiid aanay rasaastu karin iyo xubno amni hordhac ah oo UN-ku u diray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga wakiilada Q/Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa lagu waday inay Isniinta tagaan Magaalada Dhusamareb, laakiin waxaa qorshahaasi socon waayey markii Gaadiidkii UN-ka laga celiyey shalay Koontaroolka Waqooyi ee magaalada Cadaado, Gaadiidkaas waxaana laga diray magaalada Gaalkacyo, laguna waday inay adeegsadaan madaxda UN-ka.

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo ay kala fadhiyaan garabyada Galmudug ayaa isku soo rogay cunaqabteyn dhinac waliba leh, waxayna tani ka bilaabtay markii wafdigii ka socday Aqalka Sare inteey tagaan magaalada Cadaado.

Xaaf iyo Sheekh Shaakir ayaa lagu wadaa inay magaalada Gaalkacyo kula kulmaan Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Haysom oo maanta gaaray magaalada Hargeysa iyo wakiilka Midowga Afrika Francis Madeira.

Somalilamdtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top