Connect with us

somalilandtoday.com

USA: Xukuumadda Madaxweyne Trump Oo Cunaqabatayn Cusub Ku Soo Rogtay Dalka Iran.

focus

USA: Xukuumadda Madaxweyne Trump Oo Cunaqabatayn Cusub Ku Soo Rogtay Dalka Iran.

(SLT-Washington)Maamulka madaxweyne Trump ayaa dib usoo celinaya dhammaan cunaqabataynadii Maraykanka ee saarnaa dalka Iran ee laga qaaday heshiishkii nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii kadib.

Aqalka Cad ayaa sheegay in cunaqabatayntani a tahay “Tii ugu adkayd ee abid lagu soo rogo dawlad” taas oo lagu soo rogay xukuumadda Tehran. Cunaqabataynta ayaa bartilmaameelkeedu yahay xukuumadda Iran iyo dalalka la ganacsada.

Si kastaba ha ahaatee, dalal sideed ah ayaa la siin doonaa tanaasul kumeel gaar ah si loogu oggolaado in ay sii wadaan saliidda ay ka dhoofsadaan Iran.

Dawladaha Midowga Yurub ee taageeray heshiiska nuclear-ka ayaa sheegay in ay ilaashan doonaan sharikadaha Midowga Yurub ee ganacsiga “Sharciga ah” laleh dalka Iran.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiishka bishii May, asagoo ku tilmaamay ” Mid gabi ahaanba cilladaysan oo aan sax ahayn” sababtoo ah ayuu yiri kama hor istaagin heshiiskaasi Iran in ay joojiso hormarinta mashruuca gantaalaha ridada dheer iyo faragarinta ay ku hayso dalalka dariska ah.

“Cunaqabataynadu way imaanayaan,” ayuu kusoo qoray bartiisa twitter-ka kadib markii arrintaa uu ku dhawaaqay Jamcihii.

Xukuumadda Maraykanka ayaa si aayar aayar ah u soo rogaysa cunaqabataynta, balse dadka arrintan ka faallooda ayaa sheegaya in tallaabadani ay tahay tii ugu muhiimsanayad waayo waxay bartilmaameedsanaysaa qaybaha asaasiga ah ee dhaqaalaha dalka Iran.

Danta laga lahaa heshiiska ayaa ahayd in Iran ay xakamayso hawlaha la xiriira hubkeeda nuclear-ka ee muranka badan dhaliyey ayadoo ku baddalanaysa in laga khafiifiyo cunaqabataynada.

Madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, Barack Obama, ayaa sheegay in heshiishku uu ka hor istaagayo Iran in ay sii waddo oo ay hormariso hubkeeda nuclear-ka.

Dalalka UK, faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha oo qayb ka ahaa heshiiskii 2015-kii kama aanay bixin heshiiska, ayagoo sheegay in Iran ay heshiishka fulinayso.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top