Connect with us

somalilandtoday.com

Sarkaal Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan

focus

Sarkaal Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Magaalada Kabul Ee Dalka Afghanistan

(SLT-Kapul)-Hawgalka uu hoggaamiyo isbahaysiga NATO ee ku sugan dalka Afghanistan ayaa sheegaya in hal askari oo Maraykan ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay weerar uu soo qaaday qof katirsan ciidmada dalkaas.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qofka weerarka ka gaystay magaalada Kabul uu ahaa askari katirsan ciidamada qalabka sida ee Afghanistan kaas oo “ay dileen isla markiiba” askartii uu katirsanaa.

Askariga Maraykanka ah ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Weerarkan ayaa loo arkaa in uu yahay kii ugu dambeeyey ee noociisa ah, oo qaar katirsan askarta dalka Afghanistan ay ku dilayaan kuwa Maraykanka ama kuwa isnbahaysiga.

Majirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkan oo dhacay maanta oo Sabti ah.

Bishii hore, Generaal Maraykan ah oo lagu magacaabo Scott Miller ayaa badbaaday kadib markii uu rasaas ku furay askari waardiye ahaa oo beegsaday koox saraakiil ah oo isugu jira Maraykan iyo kuwa Afghanistan kuwaas oo ku sugnaa gobolka koonfurta dalkaas kuyaal ee Kandahar.

Xoghayaha difaaca Maraykanka, James Mattis, ayaa dhawaan ballan qaaday in uu kor u qaadi doono tababarrada ciidamada afghanistan si looga hortago weerarada noocaas ah.

Hawgalkii Maraykanka ee kadhanka ahaa Taliban ayaa si rasmi ah u dhammaaday sanadkii 2014-kii, balse in kabadan 8,000 oo ah ciidamo gaar ah ayaa ku harsan dalkaas si ay u tababaraan una kaalmeeyaan ciidamada Afghanistan.

Sanadkii hore, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in ciidamada Maraykanku ay muddo aan la cayimin sii joogi doonaan dhulka Afghanistan ayadoo ay jirto cabsi laga qabo in Taliban ay qabsato dhul hor leh.

Ciidamada Maraykanka ayaa qayb ka ah hawgalka ka socda dalkaas ee lagu taageerayo Afghanistan ee uu hoggaamiyo isbahaysiga NATO oo halkaas ay ka joogaan in ka badan 16,000 oo askari.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top