Connect with us

somalilandtoday.com

Qaaxotoolaji 4/11/018

Articles

Qaaxotoolaji 4/11/018

Waa siyaasad lagala soonoqday howdka, Waa eray uu Jamaal xali xussen ka yidhi soobandhigii buugii miyi ilaa madxtooyo ee uu qoray xirsi xaaji xasan , in kasta oo aan hore umaqalay. hadab maxay tahay qaaxotoolaji , markii aan in badan aan rogaan rogayey kalmadaas waxay ila eekaatay erayga isnasaqaad siyaasi, oo aad moodaysid in uu madaxwayne hore ee maxmed axmed siiraayo uu ku isticmaalay umada Somaliland iyo dalka somalilandba , waayo waxbadan baa waxaa bulshada Somaliland uhaysteen madaxwaynaha in uu si yahay, oo waxii la doonaba la ga saxeexo, waxabadan waxaa buslshada ku dhexjirtay in warris iyo afar haweena oo kale ay dalka ku

tagri falaan , siyaasadaasina waa ta keenatay in in reerkiisu amaba qabiilka madaxwaynahu handhablaystaan dalkan .
Hadaba qaaxotoolaji waa siyaasad is nasaqid oo waxbadan aad ku fulin karto adoo samaysanaya barobogaando ah in aad si tahay, taana waxaa udaaliila,waxbadan baa dalkan ka dhacaay waxaas oo dhana waxaa loo aanaynayaa wa madaxwaynahii hore , hadii madaxwaynahu fayowyahayna amaba si wax ka ka ahayn dalkan kamay dhaceen shirqoolo iyo danbiyo abaabualani ( organized crime )

Qaaxotoolaji waa ta ka dhigtay wiilka sodaga uu u yahay in uu , noqdo safiir awooda badan taasina waa ta sababtay in uu dalkan ku soo hogaamiyo shirkado konteenarada gura oo tuuga ha ,waana ta sa

in dhagax ay inoo dhigto ,dhagaxaas oo aynu udabaal degnay, qaaxoloji waa ta keentay in taliye casayr hadh cad la dilo. Waa ta keentay in wiilkii yaraa ee reer gabilay lagu dilo furinta hore ee ciidamada qaranka oo ulala kac loo dilo , iyadoo dan gaara laga leeyhay,

Qaaxo toolaji waata sababtay in gudoomiyaha iyo kuxigeenkiisu isku gacan qaadaan barlamaanka hortiisa, qaxootolaji waa ta keentay in tiraba boqolaal jeer golaha wasiirada lagu sameeyo isbedel oo waliba wasiirkii nacamlayn waaya daaqada laga saarayo, waliaba ku daarsoo wasiirada ka soojeeda beesha madxwaynaha mar kaliya iyaga lama bedelin awooduna marka ay qadhaadhaato iyaga ayuun bay ku soo ururaysay,

May dhacdeen in heshiiskii DPWORLD iyo xukumada dhexmaray ee dakada Barbara lagu dhaxalwareejinayey in ducumantigiisii la keeno iyaga oon la garanayn wax kala uu yahay oo khalalad badini ku jiraan, may dhacdeen in gurigii dumarku wax kubarjireen ( women’clup) in uu manta ahaado parkin gawaadhida la dhigto, may dhacdeen in mashruuci biyaha ee xunbo wayne uu gabi aahnba meesha ka baxo oo la musuqmaasuqo, iyadoom waliba lagaranayo shirkadahii iyo cidii lunsatay,

May dhacdeen in labaryo madxwaynahii hore ee somaliya xasan sheek in uu inoo saxeexo heshiiska dpworld ay inala galayso, may dhacdeen in cadaalada dalku noqoto mid sii bakhtiyaysa.oo qofwalba loo xukuma inta uu laaluush bixiyo .

Gabo gabdii

Xirsi waa runlow runtana waa laga xanaaqaa waxaanu cadeeyey waxii u ku araky intii talada dalku uu gacanta ku hayey, madaxwaynayaashana waxabaa laga qoraa oo waxaa u danbeeyey madaxwaynaha maraykanka donal trump oo ay ka sheegeen “ marka uu waraqaha saxeexayo shaqaalaha guriga cad baa ka hoos qaada si aanu dalka khalkhal u galain”

By: khadar adam aw muuse

mixile190@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top