Connect with us

somalilandtoday.com

“Xisbiyada Mucaaridku Inay Koomiishanka Doorashooyinka Ka Cawdaan Xaq Ayay U Leeyihiin”. Ex Wasiir Cabdillaahi Geeljire

advertise

“Xisbiyada Mucaaridku Inay Koomiishanka Doorashooyinka Ka Cawdaan Xaq Ayay U Leeyihiin”. Ex Wasiir Cabdillaahi Geeljire

(SLT-Hargeysa)-Cabdilaahi Jamaac Cismaan Guuleed (Geel-jire), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, ayaa tilmaamay in Golaha Guurtidu xilkii iyo waajibaadkii ka saarna xalinta khilaafaadka Xisbiyada ee Komishanka aanay gudan, waxaanu kula taliyey in sida ugu dhakhsaha badan hawshan u galaan, waxaanu ku baaqay in dalka iyo dadkaba loo tudho, isaga oo talooyin kala duwan u kala diray Madaxda Xisbiyada iyo Madaxweynaha Somaliland.

Cabdilaahi Jamaac Cismaan (Geel-jire), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisii ku bilaabay “Waxaa muhiim ah in xal waara iyo heshiis laga gaadho arinta Komishanka, Guurtidana waxaan ugu baaqayaa inay soo dhex gasho, marka ay sidaas oo kale ay Xisbiyadu isku qabsadaan Guurtida ayaa soo dhex gali jirtay, Xisbiyada iyo Madaxweynuhu markay ay is qabsaan, balse Guurti bay waayeen, ee Guurtidu hawshan ha soo dhex gasho.”

Cabdilaahi Geel-jire ayaa mar uu ka hadlaayey Xisbiyada iyo Madaxweynaha yidhi “Xisbiyada Mucaaradku xaq bay u leeyihiin inay ka cawdaan Komishanka,sababta ay uga cabanayaana in loo eego weeye, Madaxweynuhuna dalka oo dhan buu Madaxweyne u yahay, ee cabashadu daw ha ahaato ama daw daro ha ahaato, ee eegis buu leeyahay, Madaxweynuhu cid uu la kaashado buu leeyahay, si uu u qanciyo Xisbiyada Mucaaradka ah, awood uu wax ku hagaajiyo ayuu leeyahay, marka ay xaaladan oo kale timaado si ay wax ku hagaagayaan in la yeelo weeye, dalka iyo dadkaba waa in loo tudhaa Dimuqraadiyadana la hirgaliyaa, Xisbiyada Mucaaradkuna in aanay wax jirin ku kordhiyaan maahe, oo yaanay meel adag is taagin, ninka Xisbi Madax ka ah iyo Madaxweynuhuba labaduba qaranka ayey masuul ka yihiin, nina imika ayaa xilka loo doortay, oo uu hayaa, ka kalena waxa laga yaaba in beri loo doorto, ee masuuliyadda ha la ilaaliyo.”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Anigu kumaan jirin Guddiyadii u tagay Komishanka, balse caqli ahaan waxaan garan karaa in haddii khilaafkani sii jiitamo in Doorashadu dib u dhacayso, oo hawsha loo baahan yahay in wakhtiga ayaa kala yaranayaa.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top