Connect with us

somalilandtoday.com

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Kamid Ah Murashaxiinta Koonfur Galbeed Oo Ballanqaadyo Cusub Soo Bandhigay.

focus

Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Kamid Ah Murashaxiinta Koonfur Galbeed Oo Ballanqaadyo Cusub Soo Bandhigay.

(SLT-BAYDHABO)Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Konfur Galbeed ayaa Galabta waxa uu Magalada Baydhabo kulan kula qaatay Aqoonyahanada iyo Ardayda Jaamacadaha Magalada Baydhabo.

Khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulanka ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha amniga iyo Siyaasadiisa ku aadan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

In kastoo oo ka hadlay dhinaca Amniga ayaa khudbadiisa waxa uu ku dabaqay hadba dadka kulanka uu la qaadanayay,waxana uu sheegay in Goobo Diinta iyo Culuumta kale ee Maadiga lagu barto uu ka hirgelin doono deegaanada Koonfur Galbeed.

“Waxaan balan qaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, runtii waxaan badin doonaa aana hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo Goobo kale oo Culuumta maadiga lagu barto ayuu yiri Muqtaar Rooboow.

Miqtaar Rooboow ayaa ka mid ah Musharixinta tobanka ku dhow ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana maalmahaan uu wadaa kulamo uu ku soo jiidanayo bulshada Magalada Baydhabo.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top