Connect with us

somalilandtoday.com

“Nin Badsaday hadduu jiro ka-la boobayba qaday!: Muniir Axmed Cigaal

focus

“Nin Badsaday hadduu jiro ka-la boobayba qaday!: Muniir Axmed Cigaal

“Nin Badsaday hadduu jiro ka-la boobayba qaday!:

Cajiib: Horta anigu Soomaaliya waynu is haynaa Qaranimo ayaa inagaga maqan oo majecli Nin aan jeclahay inuu xaggaas tago xilna u doonto. Balse saxiib Baashe oo hadda ah Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaan arkaayay isagoo safar Ictiraaf caawinaayo ugu kala gooshay Maraykan iyo Hindiya. … Aadan Xaji Cali na Mid Local ah ayuu Burco iyo Berbera gaala bixinaayay ileen isba waa shaqaynayaaye. Madaxweynihii socdaal iyo xaflado Local ah ayuu Hargaysa dhana uga bixi la yahay, Sacad Cali Shire shir Local ah ayuu Maansoor Hotel Ictiraaf-kii ku weetaynaa.

Midse ogaada markay dhinac qudha ka raranto dee Dadku isku dul noolaan maayaan. Madaxweynihii, Guddoomiyihii Maxkamada Sare, Wasiirkii Khaarajiga iyo Taliyihii Guud ee Ciidamadda dhankaas dhan dheh. Dee wakaas Ducayaalkii Sheekhu meel banaan helay maxaad u malayn Darafyadii Sool, Sanaag Bari iyo Boorame inta kale iskadaayo iyana ma yeelayaan. Maya sidan wax halaga badalo ummadda wax uma qaybsanee oo Madaxweynahu Mar uun hays qanjidhiyo wali sidan oo kale hore Somaliland uma soo marin hanbayn la’aantan lagu indho adagyahay. Dalkii Somaliland waa in xishoonaysa iyo in yaaban. Madaxweyne ummadda wax u qaybi intaynaan Ictiraaf raadin. Madaxtooyaddii Xanjada Qaranka ka dhaxaysay ahayd sidaan xogta ku hayo allow haday cidiba ina taraxdo ilaa shaqaale hoosaadka taasi waa cirwaynaan dheregta badana aakhirka waa lagu dilaaca Madaxweyne. Iga wala Habar-Love tii Yuusuf Cabdi Gaboobe laha Yiroowe ayay ka soo gureen oo Madaxtooyada ayay laydhka soo eegteen saleelo. Qoladii degaanka ahay in aan hore loo arag oo loo maqal Madaxweyne siday hadda wax yahiin, alle wuxuu ku sahlay Ilaacaddihi wararka iyo Wargaysyadi Hargaysa ayaa iyaguna docdaas maray.

“Haddii bidixda oo qudha lagu qoro run iyo been, Talladaa Xab buruurto laba baahiyoodba isku beegmi waaye, Nin Bursaday hadduu jiro Mid wax beelayba nool, Nin Badsaday hadduu jiro ka la boobayba qaday “. Hadraawi

Tusan ..

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top