Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Musavani Oo Soomaliya Ku Tilmaamay Meel Bahalo Galeen Ah.

advertise

Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Musavani Oo Soomaliya Ku Tilmaamay Meel Bahalo Galeen Ah.

(SLT-Kampala) Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musavani ayaa xiisad ka dhaliyay baraha bulshada, waxa uuna Madaxweynaha Uganda tilmaan xun ka bixiyay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Britain’s Prime Minister Theresa May meets President Yoweri Museveni of Uganda during the London Conference on Somalia at Lancaster House in London, Britain May 11, 2017. REUTERS/Hannah McKay

Yuweri Musavani oo fariin dar daaran ah hawada u marinayay Madaxda Koonfurt sudan ayuu u sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya.

Qoraalka uu Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn looga falceliyay, waxa ayna dadka qaar Madaxweynaha ugu baaqeen in uu xilka uu hayo baneeyo uuna fursad siiyo dhalinyarada.

Dalka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo katirsan ciidamada AMISOM, waxa ayna Uganda kamid aheyd dowladah sida weyn u taageeri jiray dowladahii kala duwanaa ee dalka soo maray bur burka kadib.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top