Connect with us

somalilandtoday.com

Halkeebay Ku Dambeysay Riyadii Pro. Axmed Ismaaciil Samater Iyo Ku Guuristii Madaxweyne Biixi Ee Ku Wareejinta Xisbiga Kulmiye

Articles

Halkeebay Ku Dambeysay Riyadii Pro. Axmed Ismaaciil Samater Iyo Ku Guuristii Madaxweyne Biixi Ee Ku Wareejinta Xisbiga Kulmiye

Waxeynu Wada ogeyn In Pro.Axmed Ismaaciil Samater oo Hore Wakhti badan u Aaminsanaa in Aan Dhinacna Looga Noqon Karin Midnimada Soomaali Weyn islamarkaana, in badan Olole u galey uu Aakhirkii Mar Kaliya usoo Noqdey Qadiyada Somaliland kadib Markii uu Kusoo Hungoobey Damacii Ay Durbaanka ugu Tumeen Shakhsiyaadkii ay Waagaa Saaxiibka Dheer ku ahaayeen Midnimada Soomaaliya, oo aan hadda Kasii Xusuusto Yuusuf Garaad iyo Rag Kaleba.

Haddaba Waxa Jirtey Hungowgaa uu Pro. Axmed Ismaaciil Samater kusoo Taabtey Gidaarka ee Ka Turjumayey in Fikirkiisa iyo Aqoontiisa, Iyo Magaciisa, iyo Ragii Ku Jeclaa Soomaalinimada Lagu qaadan Doono haseyeeshee, uu Si Xaqiiq ah u Arkey

in aaney Waxaasi Soconeynin ee ay Ka Sokeeyaan Qoddobo Badan oo Qabyaaladii uu Ka cararayey iyo Waqooyigii uu Dawladnimada u Diidanaa iyo Arimo badan oo in uu Jeebkiisa Isticmaalo ahi Shuruudo ku Noqdeen Waxa uu Usoo Noqdey oo taa Ficilkeedu Badey in uu Somaliland Ayido isagoo Markii Dambe Kala Doortey Ka uu ka Taageerayo Siyaasad ahaan Xisbiyada Somaliland inuu Noqdo Xisbiga Kulmiye iyo Murashaxiisa Muuse Biixi Kadib Markii ay Sigaar ah Wax isula Meel Dhigeen Madaxweynaha hadda Talada haya Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Xiligaa u arkayey in uu Biriishka kaga Gudbi Doono khudbado uu Pro. Axmed Ismaaciil ujeediyo Da.ayarta Jaamacadaha oo uu ugu Ololeynayo Isaga.

Sikastaba ha ahaatee Su.aasha Isweydiinta Muddani Waxey Tahey Muxuu Ku Qancey ee Pro. Axmed Ismaaciil Samter Kaga Doorbidey Labadii Xisbi ee Kale ololihii iyo Taageeradii uu u galey Xisbiga Kulmiye Iyo Murashaxiisii Markaa Muuse Biixi Cabdi(Madaxweynaha hada talada haya) inkastoo aanan hadda Halkan Kusoo Bandhigi Karin Cadeymaha Heshiishkoodii haseyeeshee, Sida ay Xaqiiqdu Tahey Pro.Axmed Samater Labada Xisbi ee Kale Waxa uu Ka Waayey Balanqaadka uu Ka helay Muuse Biixi Sababtoo ah Xisbiga Waddani markaa Waxa uu kala Kulmey in aaney ka.banaaneyn Fursad loogu balanqaado Gudoomiyaha Xisbiga oo hortii ayaa la Bixiyey halka Xisbiga Ucidna aaney Taasi Qorshihiisa ugu Jirin Waxa halkaa ka Cad in Muuse ugu balanqaadey Mustaqbalka Xisbiga Sida uu Marar badan inoo Sheegay Axmed Ismaaciil Samter in Damaciisa uu Ka Dhex arkey Kulmiye Mustaqbalka Shanta Sanno ee Dambe.

Haddaba Gabagabadii Qoraalkeygan Waxaan Kusoo Koobayaa in Dad badani U arkaan in ay Tahey, Riyo Uu Sawirtey Maadaama Muuse Biixi Ku Guurayey Fursadaa Xiligeeda Taagneyd laakiin aanu Daacad ka aheyn balanqaadka in uu Samater Ku Wareejiyo Xisbiga Gudoomiyanimadiisa iyo Murashaxa isaga Ka Dambeeya ee Mustaqbalka Ma u Muuqataa in Pro. Hadda Arintaana Xaqiiqdeeda Kusoo Dhawaadey Mise Waa Mid Wali Biyo Sare Tageydii Kujirta Laakiin Su.aasha Muhiimka ahi Waxey Tahey Waa Maxey Talaabada uu Qaadi Doono Mr Samater marka uu Balanqaadkaasi Ku Noqdo Biyo Sare Taggey Waala Sugayaa Ma Aaminaadii Somaliland Ayuu Ka Noqon Sidii Soomaaliweyn Mise Soomaali oo Dhan ayuu Ku Nici Doonaa? Bal aynu Eegno Marba hadii Loo Wada Dhegtaagayo.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top