Connect with us

somalilandtoday.com

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Waramay Wuxuu Daarna Kulan Dhexmaray Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

focus

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Oo Ka Waramay Wuxuu Daarna Kulan Dhexmaray Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.

(SLT-Hargaysa) Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah dhakhaatiirta waawayn ee dalka somaliland hore xukuumadii taladda dalka soo hayay uga soo noqday wasiiro ayaa ka hadlay kulan shaki badan dhaliyay oo madaxwayne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci)dhakhtarkiisa kula yeeshay.

Dr Gaboose ayaa sheegay inaanu madaxwayne ku xigeenku kala hadlin wax siyaasadda ah balse ay ka wadda hadleen arimo ku saabsan xaga caafimaadka.

“hadii uu rabo inuu siyaasad igala hadlo meel kale ayuu iigu yeedhi lahaa lakiin waxa uu iigu yimid inuu igala hadlo dad qaraabadiisa ah sidii Aan caafimaadkooda ugala taliyo intaas wax dhaafsiinan igalamuu hadlin Madaxwayne ku xigeenku.

Dr Gaboose intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa

siiwata.”waaniga kuu sheegay oo hadaba waan ku jiraaye waxaanan kaga jiraa qaybta arimaha bulshadda oo ah inaan naf-sadayda u diray inaan umadayda wax u taro,waxaanan aamin sanahay in qofkasta oo dalkiisa iyo dadkiisa waxtaro in ay tahay siyaasad dalka lagu dhisayo,lakiin siyaasadii hore ee ahayd wasiiro iyo waxaas hadda uma soo jeedo xaqiiqdii waxaana ilaahay ka baryayaa inuu cisbitaalkan iga gacan qabto.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal tv Dr Gaboose.

Dhinaca kale Dr Gaboose ayaa sheegay inaanu wakhtigan u taagnayn inuu siyaasadda dalka ku soo biiro oo noqdo wasiiro basle uu yahay siyaasi ka shaqaynaya xaga arimaha bulshadda iyo sidii uu u taageeri lahaa bulshadda jilicsan isaga oo adeegsanaya xirfadiisa caafimaad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top