Connect with us

somalilandtoday.com

Ciyaartooy Da’dooda Ka Been Sheegay Oo Xabsi Loo Taxaabay

focus

Ciyaartooy Da’dooda Ka Been Sheegay Oo Xabsi Loo Taxaabay

(SLT-Benin)-Toban ka mid ah dhalinyarada ciyaartooyda dalka Benin iyo madaxii hore ee xiriirka kubadda cagta dalkaasi Anjorin Moucharafou ayaa xabsi lagu xukumay ka dib markii ay da’dooda ka been sheegeen.

Maxkamad ku taalla magaalada A Cotonou ayaa ku heshay dambi ah in ay ka been sheegeen da’dooda ka dib markii ay ku dhaceen tijaabo dhanka da’da ah oo looga qaaday dalka Niger laguna ogaaday in ay ka wayn yihiin da’da 17 jirka ee tartanak loo qabanayay.

Arrintan ayaa sababtay in bishii September dalka Benin laga reebo in ay ka qayb qaataan tartanka dhalinta ay da’dooda ka hooseyso 17 jirka ee koobka qaramada qaarada Afrika ee 2019.

Ciyaartooydan ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah islamarkana waxaa ciyaaraha laga joojiyay 5 bilood.

Maadaama ciyaartooydan ay xabsiga ku jireen tan iyo intii ay ka soo laabteen Niamey bishii September,imika ma qaadan doonaan wax xabsi ah.

Moucharafou, oo ahaa madaxa xiriirka kubadda cagta ee Benin ayaa isagana lagu helay dambi ah doorkii uu maamulkiisu ka qaatay da’da laga been sheegay ee ciyaartooydan.

Waxaa lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah ,waxa uuna horey u qaatay qayb ka mid ah muddada xabsiga ee lagu xukumay.

Tababaraha ciyaartooyda ay da’dooda ka hooseyso 17 jirka Lafiou Yessoufof iyo labo sargaal oo kale ayaa iyaguna lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah taasi oo ah doorkii ay ka qaateen ka been sheegidda da’da ciyaartooyda.

Madaxa xiriirka kubadda cagta ee Banin Mathurin de Chacus, oo xilka la wareegay bishii August ayaa horey u ballanqaaday in uu doonayo “in uu soo afjaro musuqmaasuqa kubadda cagta ee dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top